Friday, January 3, 2014

Somaliland:Bilayska RRU-da oo xidhay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Togdheer


Burco (GNA) Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Oo Xalay Ciidamada RRU du Qabteen+ Xaalada Magaaladda Burco Oo Kacsan.



guleed Burco Abaro labadii habeenimo Ee Xalay Ayey Ciidamadda RRU du Kala Baxeen Gurigiisa Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Oo Isagu Magac Iyo Sharaf Ku Leh Bulshadda Gobolka Togdheer.



Lama Oga Sababta Rasmiga Ah Ee Guuleed Daahir Samatar Loogu Dhacay Gurigiisa Habeen Badhka Balse Ilo Xogogaal ah Ayaa Heegonews U Sheegay Inay Xukuumaddu Beryahaaba Ula Booc Leh Uugu Tukubeysan Qabashadda Guuleed Maadaama  Uu Yahay Nin Mucaarid ah Oo Hadalo Cadcad Inta Badana Si Weyn Uuga Soo Horjeeda Siyaasadda Fadhiidka ah Ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.



Subaxnimadii Hore Ee Saakana Waxaa Magaaladda Burco Ka Bilaabmey Dhaqdhaqaaqyo Xoog Leh Iyo Kacdoon Ay Bulshadda Reer Burco Kaga Dareen Celinayso Falkaasi Waxashnimadda Ah Ee Lagula Kacay Guuleed Daahir Samatar.



Xaaladda Ayaa Hadda Kacsan Lamana Oga Waxay Ku Danbayn Doonto  Waxaana Laga Cabsi Qabaa Mudaharaado Lixaad Leh Oo Dib Uuga Curta Magaaladda Burco.



Goobaha Bulshaddu Ku Kulanto Ee Maqaaxiyaha Ayaa Waxaa Loo Dhoobey Ciidamada Booliiska Wuxuu Oo Cabsi Qaba Inay Dhamaan Rabshado Hor leh.



Ilo Xogogaal ah Ayaa Inoo Sheegay inay Xukuumaddu Waddo Qorshe Ay Ku Qabqabanayso Dad  Badan Oo Mucaarid ah Oo Ku Nool Burco Kuwaasi Oo Sida La Sheegay Lagu Haysto Oo Keliya Xoriyatul Qawlkooda.



Wixii Ka Soo Kordha warkan Waxaanu Idiin Soo Gudbin Doonaa Dhawaan



Gobanimonews--Desk