Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed ayaa la sheegay inuu dagaal gacan ka hadala ku qaaday Askar ciidanka nabad-gelyadda waddooyinka ah oo joojiyay gaadhi nooca lagu tamashleeyo ah oo uu saarnaa, kaasoo ay joojiyeen ciidanku.
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa la sheegay inuu gaadhiga uu saarnaa oo Crown ah ka soo degey, dabadeed gacanta u qaaday askarigii hortaagnaa, ka dib markii ciidanku waydiiyeen wadihii gaadhiga Sharci.
Buuq iyo samxad ka dhalatay arrintan ayaa kala xidhay jidka uu marayay oo ahaa agagaarka Guriga Shaqaalaha, waddadaasoo ah ta gaadiidka ugu badani maraan.
Dad goob-joogeyaala ayaa Gobanimonews u sheegay in wasiirka iyo Askarta in muddo ah ay murmayeen, taasoo sababtay in boqolaal gaadhi wadada isku soo gaadhaan.
Dhinaca kale, Mareegta Waaheen.com, ayaa baajisay Muuqaalka wasiirka iyo Askarta oo la kala hayo, kuwaasoo dadka goobo-jeyaasha ahi intaasi raaciyay in dadweyne badan meesha ku soo uruuray.
Muranka ka dhex mara Madaxda dawladda iyo Bilayska ayaa ah mid dhif iyo naadira, waana dhacdadii ugu horaysay ee la soo wariyo inta la xasuusto, wasiir iyo askari laami taagan oo dagaal dhex maray.
Askarta ayaa la sheegay inay si macangagnimo ku jirto u hor-istaageen Gaadhiga wasiirku la socday, taasoo sababtay inuu isna u soo dego.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Halkan ka Daawo Muuqaalo: