Monday, January 6, 2014

Somaliland: Ciidanka Madaxtooyada oo Fur-furtay Gaadhi uu Xildhibaan kaga hortegay


Askarta oo Taarikadda ka furtay Gaadhiga, Afarta Taayirna banjariyay iyo xildhibaankii watay oo ka hadlay




Hargeysa(GNA)-Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada Somaliland ayaa Maanta dhacdo la yaab ku noqotay dadweynaha ku sameeyay, Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mida Mudaneyaasha Golaha wakiiladda,kaasoo ciidanku gaadhi uu dhigtay Parkin-ka baabuurta la dhigto ee Madaxtooyada dhinaceeda Barri Taarikadda ka furteen, isla markaana Taayirada ka banjariyeen.




Xildhibaanka oo ka qayb-galay fadhigii Maanta ee Golaha wakiiladda, ayaa markii uu ka soo baxay shirka xili dambe oo Salaadii Duhur lagu jiray u yimi gaadhigii oo Taayirada la banjariyay, isla markaana Baleedhada waddo marista inta markii hore laga furtaydib loogu xidhay intii aanu u iman.




Ma cadda sababta Askarta ku keliftay arrintani, mana jirto wax gar iyo garowshiyo ah oo Ciidanku ka bixiyay talaabadan ay ku fadhataysteen gaadhiga Xildhibaanka, hase ahaatee waxay Saraakiisha ciidanku ku qanciyeen xildhibaanka Raali gelin afka ah.




Xildhibaan Bulqaas oo markii uu arrintan la kulmay u waramay Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews ayaa sheegay inay talaabadani gef ku tahay, isla markaana ay dambi tahay in gawaadhida Xildhibaanadda la fadhataysto.




“Gaadhigii aan watay waxaan dhigay Parkin-kaa, waxaan galay shaqada, dabadeed iminka markaan soo baxay ayaan u imi gaadhigii Afartii Taayirba la banjariyay, taarikadana inta laga furtay dib loogu xidhay, arrintaasi waxaan leeyahay waa dambi, mana garanayo sabab ay u dhacday, ciidankuna wax tafaasiil way iga siin waayeen sababta ku keliftay”ayuu Xildhibaan Bulqaas.




Waxaanu intaasi ku daray “dadku waxa loo baahanyahay inay sharciga ilaaliyaan, ciidankana sharciga iyo nidaamka la baro, waa madnuuc in xildhibaan gaadhigiisa xataa haduu wadada marayo la baadho, markaa waxaan u sheegayaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo dhamaan taliyeyaasha Ciidanka Qaranka in Askarta Sharciga la baro si aanay waxan oo kale dib ugu kicin”ayuu Gobanimonews u sheegay.




Xildhibaan Cismaan Bulqaas, ayaa waxa gurmad u fidiyay oo Taayiradda u soo banjariyay  qaar ka midda Xildhibaanada Golaha wakiillada oo ay fadhiga ka soo wada baxeen, kuwaasoo Taayiradda ugu qaaday gawaadhidii ay wateen.




Inkasta oo xildhibaanku ku dooday inay askartu khalad ugu timi gaadhigiisa, iska markaana aanu u dhawan meesha ay gaadhka ka yihiin ee afaafka Madaxtooyada, hadana mid ka mida Askarta Albaabka madaxtooyada joogtay ee falkan ku kacday ayaa Gobanimonews u sheegay in xildhibaanku Aflagaadeeyay markii gaadhiga meesha soo dhigtay.




“wuxuu noo caayay si fool cun oo aan wax loo dul qaata ahayn”ayuu yidhi mid askarta heeganka ku jiray oo wariye ka tirsan Gobanimonews arrintan kala sheekaystay.




Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ah tii ugu la yaabka badnayd ee dhex marta Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamanka oo inta badan ku murma Barxada madaxtooyada ku qabsan ee ka soo horjeedka Guriga Baarlamanka oo loogu talo galay gaadiidka Xildhibaanada, hase ahaatee ciidanku amaan ahaan uga foojignaadaan.




Ciidanka madaxtooyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadka madaxtooyada gelaya iyo kuwa jiraanka la ah qasriga ula dhaqma si ka duwan sidii hore, isla markaana dagaal iyo hanjabaad kala hor yimaada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com