Sunday, January 12, 2014

Somalia: Baarlamanka oo loo qaybiyay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda cusub.Akhri Qoraal


Xildhibaanadii Saacid riday oo diiday in la soo celiyo Wasiirradii xukuumadiisa.."Akhri qoraalka Mooshinka 




Muqdisho(GNA)-Shir-guddoonka Baarlamanka Somalia ayaa gacanta laga geliyay mooshin lagu diidanyahay inay dib u soo laabtaan Wasiiraddii xukuumaddii Wakhtigeedu dhamaaday ee Reysal-wasaare Saacid Shirdoon.




Wasiirro badan oo ku jiray Xukuumaddii Saacid, ayaa xusul duub ugu jira sidii dib loogu magacaabi lahaa, isla markaana kuraasta ay joogaan loogu dayn lahaa.




Hase ahaatee  Fadhiga maanta ee Golaha Baarlamanka oo uu shir guddoominayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari islamarkaana ajandaha kulanka uu ahaa meel marinta hindise sharciyeedka hay’adda daraasaadka badaha iyo Shintiriska ay baarlamaanku ku shaqeynayaan sanadkan cusub, ayaa mudanayaal ka tisan baarlamaanka waxa ay guddoonka u  gudbiyeen mooshin ku saabsan in xubin ka mid ah Golahii Wasiirada ee ay baarlamaanku kalsoonida kala laabtay aan lagu soo darin golaha Wasiirada cusub.




Reysal-wasaaraha cusub ee Somalia C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa muddo bil iyo dheeraad ku sii siqaysa laga sugayaa dhismaha xukuumad cusub, taasoo maalmahan si weyn loo hadal hayay inay Miiska u saaranyihiin Gollaheeda wasiirradu.




Baarlamanka ayaa wali ka doodaya Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadihii Saacid ee lagu diidanyahay wasiirada hore.




Halkan ka akhri Nuxurka Mooshinka oo la gudbiyay iyo xildhibaanada Saxeexay:-