Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Sudan Amb. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay inay wali jiraan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo wali ku xayiran qaar ka mid ah gobolada dalkaas, iyadoo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.
Amb. Diinaari ayaa sheegay inay wadaan qorshayaan ay ku soo bad baadinayaan dadkaas xaniban, isla markaana ay dib ugu soo celinayaan dalkooda sida uu yiri.
"Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo wali ku xaniban gobolada Koofurta Sudan, waxaan wadnaa dadaalo ah sidii aan uga soo saari laheyn, Soomaalida qaar waxay ku jiraan xeryaha Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey"ayuu yiri Amb. Diinaari.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Uganda ay u fasaxday Soomaalida ka gudbeyso xuduuda, hase ahaatee dowladda Kenya ay ka diiday in Soomaalida ka gudbaan xuduudooda sida uu hadalka u dhigay.
"Runtii dowladda Uganda aad ayaa uga mahad celineynaa sida ay u fuliyeen balan qaadkii ay sameeyeen oo ahaa in Soomaalida ka gudbeysa xuduuda inay fasaxaan"ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Sudan.
Waxaa uu wax laga xumaado in dowladda Kenya ay dib u soo celiso Soomaalidii dooneysay inay ka gudubto xuduuda Kenya, xilli ay wada hadleen Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya in aan laga celin Soomaalida xuduuda.
Dhinaca kale Safiirka ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ku saabsan sidii Ganacsatada Soomaaliyeed ee laga heysta gawaaridooda dib ugu soo celin lahaayeen, waxaana uu sheegay in gawaarida ay ku dagaal galeen Ciidamada dowladda sida uu yiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa labo jeer magaalada Juba ee Caasimada Koofurta Sudan ka soo qaaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xanibnaa dalkaas, tan iyo markii ay ka bilowdeen dagaalada u dhaxeeya Madaxweynaha dalkaas iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore bartamihii bishii December ee sanadkii hore.