Thursday, January 9, 2014

Puntland: Gaas iyo Kay oo Kulmay Doorashadii ka dib


09-01-2014a,Garoowe(GNA)Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobey uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa kulankiisi u horeeyey la qaatey Madaxweynaha la doortey ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas, kadib doorashadii maalintii shalay ka dhacdey magaalada Garowe.




Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas iyo Nick Kay ayaa ka wada hadley waxyaabihii u danbeeyey ee Puntland iska bedalay, wada shaqeynta UNSOM iyo Puntland.




Nick Kay ayaa ugu horeyntii uga mahad celiyey shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay u marti-sooreen una soo dhaweeyeen muddadii uu ku sugnaa Puntland, waxaana uu u sheegey madaxweynaha Puntland in Qaramada Midoobey ay ka go’antahay taageerada Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana soo dhaweynayaan isbeddelka Puntland iyo doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhacdey.




Madaxweynaha Puntland iyo masuulka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku leedahay Puntland  ayaa isla soo qaadey arrimaha u horeeya ee la doonaayo in lagu talaabsado iyo kuwa la hiigsanayo, si Puntland ay tusaale ugu noqoto Soomaaliya inteeda kale.
Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com