Sunday, January 5, 2014

Prof. Samatar oo Khudbad ka jeediyay Machadka kobcinta Hibooyinka Boorama


Boorama-(GNA)-Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaanahanba ku sugnaa dalka gudihiisa ayaa shalay lecuture daarnaa  horumarka  iyo  tisqaadka ummada ka jeediyay Machadka Kobcinta Hibooyinka iyo horumarinta Aadamaha ee ‘’Mohamed’S Life Coaching Center’’ oo ah machadkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee laga furay geeska Afrika.




Prof. Ahmed Ismail Samatar ayaa si qotodheer  u kala dhigdhigay sababaha tisqaadka ummadeed iyo asbaabaha dib dhaca iyo horumar la’aanta keena. Isagoo  ka hadlaya halka ay ummadi ka horumarto ama ka dhalmo dayso ayaa waxa uu yidhi ‘’ Ummadi waa hoggaan. Haddii uu hoogaanku ka xumaado way luntaa oo cid bohosha faqria, gaajada, cudurada iyo amni darrada uga digta ma hellaan. Hoggaanimaad ku barataan machadkan waxan idinku boorin lahaa inaad halkaas kasii waddaan ood badashaan hoggaamiyayaasha somaalida’’. Sidoo kale waxa uu aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar tibaaxay in hidaha iyo dhaqanka ummadi leedahay illaalintiisa iyo xannaanayntiisu qayb laxaad le ka yahay horumarka ummadi samayn karo.




 Waa markii ugu horraysay ee uu aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar  lecture ka jeediyo machadka kobcinta hibooyinka iyo horumarinta Aadamaha. Iyadoo kadib lecture-kiisa daarnaa sababaha tisaaadka ummadeed ama burburka ummadeed  ardayda machadka machadka kobcinta hibooyinka Aadamaha ee Mohamed’s Life Coaching Center  su’aalo ka waydiiyeen.




Ugu danbaynna  maamulka guud ee Machadka  ahna tobabaraha nololeed ee machadka Mufakir: Maxamed Cumar Cismaan ayaa ka codsaday aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar in uu taageero talo  iyo tayaynba la garab galo Machadkan oo isagu ah mid si walba uga duwan nidaamyada waxbarasho ee hore u jiray.




Si kasteba ha ahaato’e Machadkan  ayaa noqonaya Machad si wayn uga dhexmuuqda machadada iyo nidaamyada waxbarasho ee horay loogu arkay geeska Africa gaar ahaana dalkeennan Somaliland Iyada oo uu dhawr jeer oo hore uu soo marti qaaday Dhiirigeliyayaal caalami ah oo saaxadda horumarinta aadamaha ee adduunka aad uga dhex muuqda.”




Mustafe caraale




Gobanimo news.com




Borama-somaliland




 




maxamed (1) maxamed (2) maxamed (3) maxamed (4) maxamed (6) maxamed (7)  maxamed (9) maxamed (10) maxamed (11) maxamed (13) maxamed (14) maxamed (15)