Hargeysa(GNA)-War xalay ka soo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddida fulinta ee xisbigaasi loogu yeedhay kulan deg deg ah oo Maanta gelinka dambe ka dhici doona Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Shirweynaha Xisbiga ayaa laba todobaad ka hor dib loogu dhigay 25 Bisha Janaury ee sanadkan, oo dhawr todobaad inaga xigto, waxaana jiray warar isa soo tarayay oo sheegayay in hogaanka xisbigaasi Xukuumadda ka dalbaday Lacag Haf Milyan dollar ah oo shirka lagu qabanayo.
Hase ahaatee qoraal rasmia oo xalay uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenku oo nuqul ka mida ay heshay Mareegta gobanimonews, ayaa laysugu yeedhay kulankaasi oo aan ujeedadiisa la caddeyn, qamsoomayana saddexda Galabnimo ee Maanta oo Salaasa ah.
Qoraalka ayaa lagu yidhi sidan:- “Ku: dhamaan xubnaha guddida fulinta Xisbiga Kulmiye
Waxa la Ogeysiinayaa dhamaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.
Hogaanka Xisbiga Kulmiye
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Maxamed X Yuusuf Waabeeye Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye
C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici
ALLAA MAHAD LEH
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 05/01/2013.
Dhinaca kale waxa jiray xalay warar soo baxayay oo sheegayay inay kulan yeesheen hogaanka xisbiga iyo Madaxweyne ky-xigeenku, kaasoo waxyaabihii lagaga wada hadlay laysku fahmi waayay.
Sida ay Gobanimonews wararka ku heshay kulanka xalay iyo ka maanta loo balansanyaha, ayaa daaran isfaham waa ka dhashay lacagta Guddoomiyuhu u dalbaday shirweynaha xisbiga oo Xukuumaddu ku tilmaantay mid aad u badan, isla markaana ka badan kharashka shirka ku baxaya.
Arintan ayaa u muuqata mid xiisad kale iyo muran xisbiga dhexdiisa ah abuuraysa, taasoo ifafaalaha muuqda lagu kala fogyahay, iyada iyo arrimo badan oo shirka la xidhiidha.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com