Thursday, January 16, 2014

Meelna Dastuurka kagama jirto in Raysal-wasaaruhu 30 Maalmood Golaha wasiirrada ku soo dhiso


CUTUBKA SIDDEEDAAD: LAANTA FULINTA




 




dacunQodobka  97aad, Qodobka 98aad, Qodobka 99aad, Qodobka 100aad, Qodobka 101aad, Qodobka 102aad, Qodobka 103aad iyo Qodobka 104aad.




Meel ay kaga jirto Dastuurka in Ra’iisulwasaaruhu uu Golihiisa Wasiirrada ku soo magacaabo muddo dhan 30 maalmood, ma garanayo kumana arag Dastuurka.




Ra’iisulwasaaraha waxaa umaddu ka fileysaa in uu si deg deg ah usoo dhiso Xukuumad tayo leh oo yar oo waafaqsan qaabka  lagu qeybsaday 275ta xubnood ee Baarlamaanka.




Haddii ay dhacdo in aad fara galin kala kulantid Madaxweynaha waa inaad cuskataa CUTUBKA SIDDEEDAA LAANTA FULINTA  ee Dastuurka maxaa yeelay magacaabista Golaha Wasiirrada adigaa awooddeeda leh sida uu qorayo Dastuurka.




Shacabka Soomaaliyeed baahi Dowladnimaa heysa umana baahna in korkiisa la isku qaqabsado iyadoo dalka uu jiro Dastuur, haddii ay jirto dhibaato fara galin ah u soo bandhig Beesha Caalamka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.




CUTBKA TODOBAAD: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA




Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya




Qodobka 91aad, Qodobka 92aad, Qodobka 93aad, Qodobka 94aad, Qodobka 94aad, Qodobka 95aad iyo Qodobka 96aad. Awoodda Madaxweynaha ugu qoran Dastuurka waa intaa aan idiin sheegay ee ku qoran Dastuurka, xaq uma laha inuu Ra’iisulwasaaraha u dhiibo magacyo shakhsisyaad ah oo uu yiraahdo Wasiirro ka dhig, maxaa yeelay, ma aha awooddiisii ee waa awooddii Ra’iisulwasaaraha, waxaana ila haboon in Madaxweynuhu faraha kala baxo awoodda Ra’iisulwasaaraha.




Maxaa yeelay, waxaa lumaaya kalsoonidii umadda Soomaaliyeed iyo wixii ay ku heshiisay madaxnimadaada ka hor, sabab ha u noqon in la kala aamin baxo oo qof waliba ku noqdo meeshii uu u dhashay, waad ka warqabtaa in dalka  ay ka jiraan maamullo isku tashaday, qaarkoodna ay ku dhawaaqeen waanu ka go’nay Soomaaliya, kuwa kalena ay ixtiraamayaan midnimada, balse ay ku dhaggan yihiin wax la yiraahdo (Federal System), haddii ay arkaan, maqlaan inaad faragalin ku heyso awooddii Wasiirka koowaad waxaa imaan doonta inay xusuustaan wixii shalay dhacay.  




Dhibta maanta dalka ka jirta, waxaa u sabab ah koox ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, oo leh dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxayna lumiyeen Dastuurkii ay ku dhaarteen, waxaadna ka garaneysaa 113 xubnood waxay taageereen soo jeedintii, 99 xubnood waxay ka soo  horjeesteen soo jeedintii oo ahayd sharci darro, 6 xubnood way ka aamuseen, sida baarlamaanku kala yahay waa muuqataa waxaana ka dhigay Madaxweynaha iyo kooxdiisa yar ee Urur diimeedyada ah.




Ma filaayo in ay sidaa (RUBBAD KU DHALEYSO) ee waa in la keenaa  caqli caafimaad qaba oo ka  duwan kan maanta jira.




Wax la aqbali karo ma aha nimankii Xukuumaddoodii  ay ka mid ka haayeen ka keenay mooshinka, ee u ololeeyay in la  riddo, sababna ay uga dhigeen wax qabad la’aan in Madaxweynuhu yiraahdo dib ha looga dhigo Wasiirro, u maleyn maayo in aynu sidaa Qaran  ku noqoneyno, mana filaayo in Wasiirka koowaad uu gacantiisa isku dili doono oo uu ka yeeli doono Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu doonayo, maxaa yeelay raadkii Ra’iisulwasaarihii hore ayaa muuqda sida xaq darrada ah ee loola dhaqmay.




Talo ahaan, waxaan u soo jeedinayaa ragga u ooman inay noqdaan Wasiirro ee fadhiya daaha dabadiisa in ay ka tanaasulaan oo ay ilaashadaan sumcaddooda mustaqbal, waxba inooma kala  qarsoona dhibaatadu waxay ka taagan tahay Wasiirrada riday Xukuumaddoodii hore iyo kuwa brokers-ka ah inay dillaalaan Qarannimada dhaawaca ah ee Soomaaliya.




 




  




        




KHABIIR SIYAASADEED