Wadamada reer galbeedka iyo xulufadooda carabta ayaa waxay ku heshiiyeen inay Soomaaliya caynka u jiidaan oo ay dib u soo celiyaan midnimada Soomaaliya.
Go’aankaas maxaa ku qasbaaya dawladahaa iyagoo lagu tilmaamo kuwa maanta ugu dhaqaale roon,uguna xoogga badan dhinaca ciidamada iyo hubka casriga ah inay Soomaaliya oo ah dal burburay,ahna gel-gelin madhan u guntadaan.Aduunka hadba cidda isbida inay ugu quwad wayntahay iyo xulufadooda ayaa raadisa danaheeda siyaasadeed inay ka fuliso dalalka ay u arkaan inay khatari kaga soo fool leedahay iyo dalalka ka soo horjeeda siyaasada guud ee ay kula dhaqmayaan.
Sidaa darteed reer galbeedku waxay u arkeen Soomaaliya inay noqon karto dal ay saldhig ka dhigtaan ururada islaamiga ah ee ay dagaalka diimeed,dhaqaale iyo siyaasad ahaan-ba kula jiraan kadib markay ku guulaysteen jilcinta ururka Al-qaacida.Waxay istuseen qaybo ururkaa ka tirsan ama qaatay aragtida Al-qaacida ee ay kula jiraan dagaalka inay Soomaaliya saldhig-yo ka samaysteen.Ayagoo arrimahaa danahooda ku salaysan ka duulaaya ayaa waxay u tafa xayteen in:
1.Soomaaliya la dejiyo.
2.Dhaqaale xooggan la geliyo.
3.Ciidamo la geeyo.
4.Lala dagaalamo ururka islaamiga ah ee Al-shabaab.
5.Lala dagaalamo budhcad badeedka.
6.Loo Sameeyo dawlad federaal ah.
Hadaba si ay reer galbeedku talaabooyinkaasi ay ugu suurta galaan oo ay ugu guulaystaan danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya ayay ugu horayn fuliyeen:
1.Dejinta gobolada aanay u filayn inay Al-shabaab joogto.
2.Dhaqaale culus inay goboladaa geliyaan una soo mariyaan hay’adaha kala duwan ee UN-ta.
3.Xoojiyaan dhismaha maamul goboleed-yo raaca nidaamka dimuqraadiyada oo xisbiyo badan leh.
4.Goboladaa ay dejiyeen in loo furo wada hadalo lagu raadinaayo sidii ay dawlad federaal ah u wadaagi lahaayeen si ay u gaadhaan himaladii ay ka lahaayeen Soomaaliya.
Hadaba waxa caqabad ku noqotay jidkii ay reer galbeedku jeexdeen dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo dib ula soo noqday madax banaanidooda sannadkii 1991,laguna karayn inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.Horta waa caqabadaa ta keentay in Turkiga loo adeegsado sidii dib loogu soo dabaali lahaa Jamhuuriyada Somaliland ka mid noqoshada federaalka Soomaaliya.
La Soco…….
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL