Sunday, January 19, 2014

Man United Oo Markaan Dooneysa Edinson Cavani Si Ay Badal Uga Dhigto Wayne Rooney


Edinson-CavaniManchester United ayaa miisaameysa inay lasoo wareegto weeraryahan Edinson Cavani iyadoo isku diyaarineysa nolol uu ka maqan yahay Wayne Rooney, sida ay daabacday Sunday People.




Tababare David Moyes ayaa doonaya inuu lasoo wareego gooldhaliyaha dalka Uruguay ee aan saldhigan Paris Saint Germain iyadoo ay soo kordhayaan cabsiyada laga qabo inuu Rooney ka taggo Old Trafford ka dib Koobka Adduunka ee xagaagaan.




 




28 jirka heerka caalami ee dalka England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa bisha June ee sanadka soo aadan, laakiin wuxuu ka fiirsanayaa sida uu noqdo xilli ciyaareedkakooxdiisa ka hor inta uusan go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa.




 




Cavani ayaa keliya lix bilood joogay horyaalka France ka dib markii uu 53 milyan oo ginni uga soo biiray kooxda Napoli – laakiin Moyes ayaa u arka bedelka ugu macquulsan ee Rooney.




 




26 jirkaan ayaa la sheegayaa inuusan ku faraxsaneyn qaabaalka horyaalka France ee Ligue 1 isla markaana wuxuu ka gadoodsan yahay booska ay ku jirto kubadda cagta France, iyo heerka taageerayaasha ay ku leedahay daafaha caalamka.




 




La taliyeyaasha Cavani ayaa aamisan inay gegeda Old Trafford noqon laheyd meel uu ku haboon yahay inuu u dhaqaaqo weeraryahanka PSG. Laakiin haddiiba uu imaanayo Cavani wuxuu ugu yaraan ugu qiimeysnaan doonaa 55 milyan oo ginni.




 




Keliya 26 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkaan ayaa dhaliyey 18 gool ka dib markii uu wacdaro kasoo dhigay horyaalka Serie A, isagoo kooxdiisa Napoli usoo dhaliyey 104 gool 138 kulan oo uu u saftay.




 




Dhanka kale, indha-indheeyeyaal ka socda United ayaa la aamisan yahay inay daawadeen weeraryahanka kooxda Schalke iyo xulka Germany Julian Draxler, kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ah Arsenal, 20 jirkaan qadka dhexe ee weerarka ayaa qandaraaskiisa lagu burbrurin karaa 37 milyan oo ginni.