Saturday, January 18, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo laba Taliye iyo Wasiirro u saaray ka hortaga Dhaqan xumada


Hargeysa(GNA)-Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo guddi wasiirro iyo Taliyeyaal isugu jira u saaray wuxuu ugu yeedhay dhaqan xumadda.




Culimada diinta iyo dadka waayeelka ah ayaa inta badan walaac ka muujiya isbedel dhaqan oo bulshada dhexdeeda ku soo badanaya, hase ahaatee taasi hore ugamay hadlin masuuliyiinta dawladdu.




Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.




Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,




Waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.




 Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.




Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.




XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY




 




1.     Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                   Guddoomiye        




2.     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                               Xubin  




3.     Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada                  Xubin




4.     Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska     Xubin




5.     Taliyaha Ciidanka Booliiska                                                                          Xubin




6.     Taliyaha  Sirdoonka Qaranka                                                                       Xubin   




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com