Sunday, January 12, 2014

Khabiir ka tirsan alshabaab Khalid Abu-Abderahman Afgani ayaa lagu diley weerakii ka dhacay gobolka Gedo


Geddo (GNA) Milateriga Kenya ayaa sheegay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen xero milateri ay iska leeyihin kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.




Saraakil ka tirsan Milateriga ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 30-kamid ah dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab oo ay ku jireen Saraakiil sar sare oo kooxda.




Duqeynta ayaa ka dhacday degmada Garbarahey ee gobolka Gedo oo u dhow xuduuda khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegaayan milateriga Kenya.




Afhayeenka Milateriga Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in duqeynta bartilmaamedkiisu ahaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane balse lala waayey. Warar ka soo abxay Xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegey in weerarkaas lagu diley nin u dhashey dalka Afqaanistaan kaas oo kahbiir ku ahaa hubka loo yaqaan Hoobiyaha “Moter”




Sidoo kale Saraakiisha Milateriga ee Kenya ayaa waxay sheegeen duqeynta ay ku burburiyeen gawaari dagaal oo ay leeyihin al-Shabaab iyo hub.




Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gobolada Jubooyinka iyo qaybo kamid ah gobolka Gedo tan iyo sanadkii 2011, waxaana ay la dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka geysatay gudaha Kenya marar badan oo ugu weynaa kii ay ku qaadeen Westgate Mall oo ay ku dhintee ilaa 70-qof oo ajnabi ku jiraan