Friday, January 17, 2014

Itoobiya:Dilka Ganacsade Somaliland u dhashay oo dad loo qabtay


Hawadaay  (GNA)-Alle ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya lagu dilay  Ganacsade reer Somaliland ah oo la odhan jiray Maxamed Qaasim Ibraahim.




Marxuum Maxamed Ibraahim Qaasim, oo Magaalada Hawadaay ku haystay Xawaalad lacageed oo dadka reer Somaliland ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhex ganacsada u kala xawili jiray lacagaha, ayaa waxa toogasho ku dilay laba nin oo dablay ah, kuwaasi oo la sheegay inay ugu soo galeen meheraddiisa dhexdeeda isla-markaana si badheedh ah u toogteen.




Warka geerida Marxuumkan, ayaa sheegaya in geeridu dhacday ka dib markii laba nin oo midna qori sito midna toorey ay ugu soo galeen meheraddiisa oo ay kula sugnaayeen dhowr qof oo Soomaali ah isla-markaana ku amreen inay beerka dhulka dhigaan, balse waxa la sheegay in Marxuumka dhintay uu u cararay halkii ay taalay qasnadda lacagta xawaaladdu ku jirtay isla-markaana qufulay, balse ninkii qoriga ku hubaysnaa ayaa la sheegay inuu shan xabbadood oo rasaas ah ku riday, ka dibna laba xabadood madaxa kaga dhaceen, halkaasi oo uu ka soo gaadhay dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.




Falkan oo dhacay sagaalkii fiidnimo ee habeen hore, ayaa la sheegay in loo qabtay i nin mid ka mid ah labadii Nin ee dilay iyo dad kale oo qoomiyadda Oromada ah.




Ganacsadahan la dilay ayaa noqonaya kii sagaalaad ee ganacsatada reer Somaliland ah ee lagu dilo Magaalada Hawadaay ee Cariga Itoobiya, halkaasoo ay somalidu ganacsi kala duwan ku leedahay.




Gobanimonews




Hargeysa Office