Thursday, January 16, 2014

Gobolka Awdal Oo Shaaciyay Damiciisa Ku Aadan Marti-galinta Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee 2014


u_121555d_2014-1-16-17-35-51f_garoon booBorama(GNA) Madaxda Gobolka Awdal , Kuwa degmada Boorama iyo Salaadiinta dhaqanka ee bulshada hogaanka u haya  ayaa maanta ku dhawaaqay in gobolka Awdal iyo magaalada Boorama ay u diyaar garoobeen martigalinta ciyaaraha gobolada ee sanadkan 2014, sidan waxa ay masuuliyiintani ku dhawaaqeen mar ay ka hadlayeen madal dhinaca ciyaaraha ah oo lagu wado in tartan ciyaareed loogu qabto dugsiyada sare ee Boorama.




Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi oo arintan ka hadlay ayaa yidhi ?Waxa aan maanta saxaafada ka sheegayaa in gobolka Awdal uu rabo ololena u gali doono inuu mati galiyo tartankii ciyaaraha ee Somaliland, caasimadii waa lagu soo qabtay, Burcana waa lagu soo qabtay, una malayn maayo inay jirto Boorama magaalo kale oo ka midan in tartankaasi lagu qabto, Boorama ayaanan rajaynayaa inay noqoto meesha tartankaasi lagu qabanayo, si wayna waan ugu diyaar-garownay, dadka reer Booramana waxa aan ka rajaynayaa inay u diyaargaroobaan martigalinta ciyaarahaas, taladaasina waxa ay tahay mid dadka reer Awdal oo dhan ka soo go?day?




 




 




 




Maayarka Magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna dhankiisa arintan ka shaaciyay waxana uu yidhi ? Waa run in gobolo kale hore loogu qabtay tartanka ciyaaraha ee gobolada Somaliland, maanta waa fursadii Magaalada Boorama, waanan ka wada hadalnay arintan maamulka gobolka Awdal, Wasiirkana waan kala hadli doonaa, waxana aan diyaar u nahay inaan arintan martigalinta ciyaaraha ka galno olole xoogan ilaa aan kaga guulaysanayno, waan dhisnay Garoonkii kubada Cagta, waanan ku kalsoonahay in magaalada Boorama tahay magaalo ku haboon martigalinta, cimiladeeduna ay tahay mid ku haboon in lagu ciyaaro, sidaas aawadeed, waxa aan shaacinayaa in arintani ay tahay mid naga go?an diyaarna aan u nahay, sumcad iyo isdhexgalna u ah dhalinta iyo ciyaaraha Somaliland.




 




 




 




 




Sidoo kale Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Cabdi Nuur Sugaal ayaa isaguna dhankiisa ka soo dhaweeyay  arintan waxana uu yidhi ?Ma jiro meel ka mudan Boorama oo ciyaarahaas lagu martigalin lahaa sanadkan, waa gobolkii midnimada, waa magaaladii hormarka, waana meel ku haboon oo ay dadkeedu diyaar u yihiin in lagu marti galiyo ciyaaraha sanadkan?




 




 




 




Sul. Xasan Xadi Baade oo isaguna arintan soo dhaweeyay ayaa yidhi ?Talaabadaasi waa mid ay Salaadiintu wadajir u taageerayso, dhalintana waxan leeyahy ha u diyaargarobaan soo dhawaynta dhalinta kale iyo martigalinta ciyaaraha ee sanadkan