Tuesday, January 7, 2014

Gacan Ka Hadal Dawlada Hoose Ee Boorama Ku Dhex Maray Maayorka Iyo Maayor Ku Xigeenka Degmada Boorama


Boorama-(GNA)-Waxa maanta si wayn isugu afdhaafay xarunta degmada Boorama labada masuul ee ugu sareeya ee hogaamiya golaha degaanka ee degmada Boorama kuwaas oo kala ah Maayar Saleebaan Xasan Xadi iyo Maayar Ku xigeeen Maxamed Faarax Dheerayste, waxana ay wararku sheegayaan in inkastoo ay labadan masuul gacanta iskula tageen hadana aanay jirin wax dhaawac ah oo la sheegay oo soo kala gaadhay




Lama oga waxa waxa sababay dagaalkan dhex maray labada masuul, balse waxa ay dad goobjoog ahi sheegeen inay labada masuul isku afdhaafeen sida loo maareeyay kaalin shidaal oo laga dhisay gudaha Boorama, taasi oo waraaqaha uu u saxeexay maayar ku xigeenka Boorama isago maayirkuna ka biyo diiday arintaasi sheegayna inay sharciga baal marsantahay oo ay kasoo horjeedo hanaanka shaqo dowlada hoose  ,




Dadkan xog-ogaalka ah ayaa waxa ay sii faahfaahiyeen sida ay wax u dhaceen waxana ay yidhaaheen, waxa xafiiska soo galay maayar ku xigeenka waxana uu la hadlay maayarka isagoo si cadho leh hadalka ugu bilaabay , maayarkuna waxa uu diiday inuu shaqadii uu u socday wax ka qabto waxana uu usheegay inay dowlada hose ledahay maamul iyo fulin , , wax yar ka dibna waxa ay is waydaarsadeen, cay, aflagaado ay ku xigtay gacan ka hadal, waana la kala qabtay oo way kala tageen iyaga oo wali caydii iyo gurxankii sii socdo




Falkan ayaa waxa sidoo kale cambaareeyay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama, waxana ay sheegeen inay tani sharaf dhac ku tahay hanaanka dawladnimo iyo sharafta xildhibaanimo kana soo horjeestay in la baalmaro maamulka degmada  “Waan ka fadhiisanaynaa, waxanan ka soo saaraynaa go’aano dhinaca anshaxa ah oo culculus, waa arin wajigabax ku ah xildhibaanadii la doortay oo aanan loo dulqaadan karin ayuu xildhibaankaasi hadalka ku soo meeray




 Sidoo kale dadwaynaha Boorama oo arintan u arkayay inay tahay fadeexad xoogan oo muujinaysa masuuliyad darada dhalinyarada loo doortay degaanka ayaa mid ka mid ah magiciisa kusoo koobay c/raxmaan uu yidhi(masuuliyiin shaqo ka dhexayso khilaaf wuu dhex mari karaa laakin waxa khalada in la garab maro maamulka iyo fulinta dowlada hoose taasina waa mid kasoo horjeeda hanaan socodka shaqo ee dowlada hoose waxana aan ku boorinayaa xildhibaanada degmada in ay kala danbayn iyo anshax kuwada shaqeeyaan oo aan la balmarin maamulka degmada)




"Waa wax laga xumaado in ay taasi ka dhacdo dowlada hoose ee borama waxanan leeyahay xildhibaanada shacbi ayaa ini soo doortay waxayna idiin soo doorteen inaad maamushaan oo aad horumarka ka shaqaysaan maaha inaad idinku dhediin is khilaftaan" ayuu yidhi Faarax daahir oo isaguna ka hadlay aragtidiisa ku aadan arintaasi




Gobanimo news.com