Wednesday, January 8, 2014

Ferdinand oo ka maqnaan doona garoomada mudo laba todobaad ah dhaawac soo gaadhay darteed.


Daafaca Manchester United Rio Ferdinand ayaa maqnaan kara muddo labo isbuuc ah sida ay sheegtay  Press Association Sport.




 




Ciyaaryahankii hore ee England ayaa ka dhaawacmay jilibka kulankii ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay Swansea ee wareega 3aad ee FA Cup.




 




Ferdinand oo 35 sanno jir ah ayaa saftay kulankaas markii ugu horeysay tan iyo 10kii December waxaana lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqadii 76aad ee ciyaarta.




 




Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Ferdinand uu maqnaanayo muddo dheer laakiin waxaa la fahamsan yahay baaritaano lagu sameeyay inay cadeeyeen in kaliya jug ay ka soo gaartay jilibka halkii ay waxyeelo ka gaari laheyd seedaha.




 




Waxaa loo maleynayaa in Ferdinand ay u badan tahay inuu maqnaanaya 10 ilaa 14 maalmood, taasoo la micno ah inuu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka Premier League ee ay u safrayaan Chelsea 19ka Janaayo.