London(GNA)-Shaqo la’aanta dalalka isticmaala lacagta Euro-da ee loo yaqaan Eurozone waxay gaadhay heer cusub oo sare u kac ah, sida ay timaameyso tirokoob rasmi ah oo arrintaa laga soo saaray.
Heerka shaqo-la’aantu waxay markii hore ahayd 19.3 %, laakiin hadda waxay maraysaa tiro intaasi ka badan 12.2%.
Dad gaadhaya 95,000 oo qof ayaa dhawaan shaqooyinkooda waayay, guud ahaan 17 dal ee laga isticmaalo lacagta Euro-da, tiradaasoo marka lagu daro tii hore ay noqoneyso 19.38 milyan oo ruux.
Dalalka Spain iyo Greece ayaa meesha ugu sarreysa ka galay tirakoobka shaqo-la’aanta, iyadoo Austria ay gashay kaalinta ugu hooseysa heerka shaqo-la’aanta.
Xafiiska tirokoobka ee Midowga Yurub ayaa tirakoob uu sameeyay soo bandhigay bishan June, waxaanu u sidan oo ah kala saraynta dalalka ee heerka shaqo la’aanta.
Greece 27.0%
Spain 26.8%
Portugal 17.8%
Luxembourg 5.6%
Germany 5.4%
Dalka Faransiiska oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan qaaradaYurub ayay isaga laftigiisa sare u kacday tirada dadka shaqo la’aantu ku dhacday.
Sababaha loo aanaynayo Korodhka Luminta Shaqaalaha, ayaa ah dhawr arimood, waxaase ugu weyn hoos u dhaqaalaha dhinaca Dakhliga oo wadamadaasi soo waajahay iyo Lacagta EURO-ga oo mar kasta oo ay hoos u dhacdo ama dhaqdhaqaaq samayso saamayn ku yeelata Dhaqaalaha shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada lacagta.
Dalka Greega oo ah ka ugu shaqo la’aanta badan ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay Midowga yurub shirar ka yeesheen sidii loola tacaali lahaa shaqo la’aanta iyo Saboolnimada dhinaca Dhaqaalaha ee wadankaasi raafka la rogi la’yahay.
Siyaasada iyo u Jajabnaan Maamulka dawliga ah ee dhanka horumarinta dhaqaalaha ayaa qayb ka noqda hoos u dhaca dakhliga guud ee wadamada Caalamka, waxaanay midowga yurub sanadkii hore Dayn badan ka saamaxeen Greec si ay uga soo kabato hoos u dhaca dhaqaale.
Gobanimonews
London Office