dadaalo xoogan oo lagu dhiirigalinayo dhalinyarada wadanka Turkiga inay Masaajida yimaadaan oo ay tukudaan ayaa dhawaan ka bilowday dalkaasi oo dadkiisu yihiin 99%, hase yeeshee nidaamkii Cilmaaniga ahaa ee ka dhanka ahaa ka dhaqanka diinta Islaamka uu badey bulshada wadankaasi kuwa aan si dhameystireyn ugu dhaqma shareecada Islaamka, isla markaana xakameeyey ahmiyada diimee
Qaar ka mid ah Masaajidyada wadanka Turkiga ayaa bilaabay in ay dhalinyarada hadii ay Masaajikda yimaadaan oo ay ku tukudaan salaadaha shanta ah ee Waajibka ah 180 jeer labo bil gudahood in la siinayo Computer-da Tablet-da sida IPad, arintaasi oo ah mid lagu dhiirigalinayo dhalinta inay Masaajidyada camiraan oo ay tukadaan salaadaha.
Waxaynu doonaynaa inaan dhalinyarada ku dhiirigalino salaada, gaar ahaan dhalinyarada iyagoo caaboon inagoo og sida ay ugu u xiiseeyaan qalabka casriga ah ee technology-da iyo Internet-ka”ayuu yiri Cebrail Öztürk,oo ah Imaamka Masjidka Dayılı Mosque ee magaalada Akdağmadeni ee gobolka Yozgat ee bartamaha wadanka Turkiga.
“Dhalinyaradu waxay urursanayaan Rasiido la qaybinayo xili kasta oo salaada laga baxo, waxaaan 180 Rasiis kii helaa mudo laba gudahood ah uu helayaa PC Tablet.
maamku wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid ay u fakareen culima’udiinka deegaankaasi iyadoo ay bixinayaan qarashka ku baxaya Cumputer-da dadka deegaanka iyo muwaadiniin Turki ah oo ku nool wadamada kale ee Yurub.