Friday, June 14, 2013

Wasiir Xirsi oo samaystay Mareega ay kala xidhiidhayaan Dadkii uu Madaxtooyada ka galay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa samaystay degel cusub oo uu sheegay inuu u samaystay si ay ugu xidhiidhaan Bulshada.




Boga Wasiir Xirsi samaystay oo loogu magac daray Guusha ayuu ujeedada uu u abuuray ku sheegay sidan “Sida aan wada ognahay  Xog-wadaagu waa laf-dhabarta xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Bini'amka, hadana waxaa hubaal ah in mashquulka aduunku sababay in dad is jeclaa kala mashquulaan, balse taasi meesha kama saarayso in siyaabo kale duwan la heli karo oo la isku helo. 




Waxaan Blog-gan u sameeyey in aan  Fikiradaheena isku waydaarsano, is toosino  isla markaana is tilmaamno”ayuu ku sheegay fariin laga soo diray Xafiiska Warfaafinta madaxtooyada Somaliland oo Gobanimonews heshay.




Talaabada Wasiirku qaaday ayaa muujinaysa inuu u boholyoobay inuu xidhiidh la sameeyo Xulafadiisii hore ee dhinacyada uu xidhiidhka la lahaan jiray, iyadoo dhanka kalena loo qaadan karo mid uu ku raadinayo Kalsooni iyo dareen hanasho shacbi inuu ku rabo.




Dad badanbaa laga yaabaa inay si weyn u soo dhaweeyaan xidhiidhka cusub ee Wasiirku bulshadiisa u furay si ay ugala xidhiidhaan, laakiinse lama odhan karo dareen celinta dadku waxay noqonaysaa mid isku mid ah.




 




;      




Gobanimonews




Hargeysa Office