Friday, June 14, 2013

Askari ka tirsanaa Ciidanka Dawlada oo ku Dhintay Dagaal xalay ka dhacay Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Faahfaahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa  Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafado ka mid ah degmada Dayniile.




Ugu yaraan Hal askari oo ciidamada dawlada ka tirsanaa ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dagaalkaasoo bilaabay abaaro 10:00-kii caweysnimo ee xalay, ka dib markii Dagaal yahano Ururka Al-shabaab ka tirsani weerar ku qaadeen Fadhiisimo ciidamada dawladu halkaasi ku leeyihiin.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawlada iyo Xarakadda alshabaab oo ku saabsan Khasaaraha dhinacyadooda ka soo gaadhay dagaalkaasi.




Goob-joogayaal ku sugan Xaafadaha Dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay Dagaalyahanada Alshabaab wateen Kolanyo Gaadiid ah oo ay ku soo galeen Magaalada, waxaana la sheegay inay markii  dagaalku joogsaday ay ku sii siqeen xaafadaha Dagaalku ka dhacay.




Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay Al-shabaab si foolka fool ah ugula gasho ciidamada dawlada gudaha Muqdisho, mudo sanad ku dhaw, inkasta oo ay weeraro ismiidaamin ah oo Khasaare badan geystay dhawr jeer ay ku weerareen goobo badan magaalada ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office