“Dilkii ka dhacay xariirad gudaheegana 16kii bishan anaku shuqul kuma lihine falkaa xukuumada gaysatay si ay u marin hababiso beesha dudub cisman laab qaboojin ugu samayso beesha Ciise”Bayaan Beesha Dudub Cismaan
Boorama(GNA)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Xabsiga dhigtay ilaa 7 Oday oo ka mid ah wax-garadka iyo Cuqaasha Degmada xariirad ee Gobolka Selel, ka dib Dil toogasho ah oo todobaadkan ka dhacay degmadaasi.
Dilkaasi oo sida Bulshada deegaanku sheegeen aargoosi Aano ah u ahaa Dilal hore u dhex maray Deegaamada Gobolka Selel wada degan, gaar ahaan Degmada Xariirad, ayaa Salaasadii todobaadankan sii galbanaya loo qab-qabtay afar Oday oo ka soo jeeda Beesha la tuhunsanyahay inay ka soo jeedaan dablaydii Dilka geystay.
Bilayska Gobolka iyo Degmada ayaan wali gacanta ku soo dhigin gacan ku-dhiiglayaashii Dilka fuliyay, hase ahaatee waxa maanta sidoo kale xabsiga Magaalada Boorama loo taxaabay Saddex Oday oo isla deegaanka dhibta loo tirinayo ka soo jeeda, kuwaasoo uu ka mid yahay Chief Caaqil Maxamed Samaale oo ka mid ah Oday dhaqameedyada Goboladda Awdal iyo Selel.
Labada xubnood ee Caaqilka maanta lala xidhay ayaa iyagana Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cilmi Faarax iyo Jibriil Aw-siciid, kuwaasoo sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha amaanku qayb ka ah Duqayda loo haysto Dilkii Xariirad ka dhacay Isniintii la soo dhaafay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland oo ku wajahan Xiisadan ka soo cusboonaatay Deegaanka Xariirad iyo sababta dhalisay in dad aan waxba galabsan loogu xidho Fal-dambiyeed qof kale geystay ee loo soo qaban waayay kii fuliyay, balse War-murtiyeed ay soo saareen odayaal ka soo jeeda deegaanku ayaa si kulul loogu cambaareeyay Xadhiga Odayaasha iyo qaabka ay xukuumaddu u waajahayso xalinta xaalada deegaankooda ka taagan.
Qoraal lagu baahiyay Mareegaha wararka qaarkood oo sida la sheegay ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesh Dudub Cismaan, ayaa lagu yidhi “dilkii ka dhacay xariirad gudaheegana 16kii bishan anaku shuqul kuma lihine falkaa xukuumada gaysatay si ay u marin hababiso beesha dudub cisman laab qaboojin ugu samayso beesha ciise .
xukuumada waxaan lenahay hadii aad xadhig xal moodaysaan maanta anaga maskii qoorta nagag duubnaa ayaad naga furteen masaasoo ahaa cuqashayada kuwaasoo anaga madaxa nagaga fadhiyay inaan dhaqaaqnana noo diiday hadh iyo habeena na horjoogay iyagoo maslaxada qaranka ka shaqaynaaya abaal koodiina wuxuu noqday xadhig .
“waxaanu leenahay wasiirka arimaha gudaha somaliland waxaa sharciga ah waxaad u taqaanaa sharci daro, sharci daradana waxaad u taqaan sharci waayo dad is casilay kumaad soo celisen boosaskay iska casileen waa markaan eegno shuruucda dalka u taala, dad nabad galyada kala shaqaynayana xadhig umaad taxaabteen.
hadaanu nahay beesha dudub cismaan anaga maanta wa noo badhaadhe adigana waa kuu baaba’a maantaana wixii nala gudboon yeelaynaa ee marka horena nalaga hor jooga”ayaa lagu yidhi Qoraalka ay soo saareen Wax-garadka Deegaanka xariirad.
Si kastaba ha ahaatee Dilkan ayaa mudo kooban uun ka dambeeyay Heshiis la sheegay in labada beelood ee Deegaanka wada degani ka gaadheen Dilal hore u dhexmaray, kaasoo uu ugu dambeeyay mid doorashadii Deegaanka lagu dilay Marxuum ka soo jeeda Beesha Dudub, kaasoo sida la aaminsanyahay loogu aaray Ninkan Isniintii la dilay.
Gobanimonews
Borama office