Waxay somalidu tidhahdaa, shinbiri maalin bay dab qaadayo maalintiina uun Alle ayey gubtay , hadaan inyar ka taatabto guul darada siyaasadeed ee soo waajahday ,Madaxweyne ku xigeenka jsl , ama siyaasada taban ee la daristay oday saylici.
Waxaad mooda inay la kulantay siyaasad la yidhaa , Shacbi seeg ,Gobolkaad u dhalaytay seeg ,Siiraanyo seeg, kulmiye seeg, ilahayna seeg,
Ujeedoyinkaas oo khuseeya masuuliyad daradii uu ka soo hooyey habeenkii salaasadii ee la yidhi ,Mudane Gobolkaagii orodoo danaha xusbiga ka soo suura gali ,si kastaba ujeedada loo diray ha ahaatee ,iyadoo dirista lafteedu ay ahayd boobka doorashada ka soo suuragali ,sidii dhacday ,hadana marnaba oday Axmed Siiraanyo kumuu odhan ha fashilanto ,
Waxaay arintu isa soo gurtaba waa tu odaygu Hargaysa ka anba baxay goor aan habeena ahayn maalina ahayn isagoo nidar ku galay maanta in uu dhigo waxaay beesha maxamed case aanay waligeed ku ilaabin ,burkaba bahal kamu filine ,gudoomiyihii u qabilsana gudidi dorashooyinka ee dadka qaar ku tilmaaman inay shuraako ku ahayeen in wax la boobo ,in kasto intii danbe xukuumadu arintaas iyaga iskaga riixaysay, komishin ahaan , hadana ninba waxba lagu xasuustaye xubintii doorashoyinka u qaabilsanayd gobolka awdal iyo madaxweyne ku xigeenku waxay iskaga horyimaadeen qaabkii loo maamuli lahaa gobolka salal gaar ahaan lughayaa iyo saylac, hadaladii laga soo xigtay ,madaxweyne ku xigeenka iyo komishineerka waxaa ka mid ah inkasto hadalada komishineerka laftisa anay ka muuqan ku adkaysi dhabi, waayo shaqadaas halkas ka socotay wakhtigaas isaga ayaa uga sareeyay,( waar arintani cidnaba dan uma ahee inaga daa ,inkastoo odaygu ugu jawaabay ,waxaan ahay ma garanaysaa )
Inkasto dhacdadani jirtay hadana ,dhaliisha ugu waynee aan hore uga dhicin abid Somaliland waxaay ahayd ,inaan masuul sare oo heer qaran ahi wali u isticmaalin awoodisa shacabkii hiil iyo hooba la barbar taagnaa ee u hibeeyay ,codkoodii iyo wakhtigoodii iyo dhaqalahaoodiiba,
Hadaan soo gunaanadoo biyo dhaca qormadan ,waxaan ku soo ururin lahaa ,waxaa cadatay oo la wada og yahay in gobolkii uu u dhashay mudane saylici ilaa hada uu qiiqaayo ,dhimasho iyo dhawacna ka jiro ,taasoo sababtay sumcad xumo wayn oo kale oo xaga arimaha dibada ka soo wajahday Somaliland taas oo ay sabab u ahayd masuuliyad daradii saylici ku talaabsaday,
Arintas hadaan iftiimiyo jeclahayna qof kastoo xeel dheera somaliland u dhasha in uu dareemayo , maalmihii ugu qadhaadha waligeed intii SL gaarka isutagtay ina soo mara ee ahaa in shicib hubkii ay wareejiyan iyagii loo adeegsado sababta kalifaysayna ay ahayd iimaan la,aan xukumadu ka qabtay doorashada taas oo soo qadatay siyaasadii waliged lagu yiqiin Africa.
Waatay inagu keentay in shicibkii raasas lala dhaco hadaba ,dhimashadii gartaye ,dhawacii xagee la geeyay? hadaan ka jawabo su,aashas waatii loo qaaday dawlada aaynu jaarka nahay ee jabuuti,
Maxaa ka soo baxay dhawacii jabuuti loo qaday
Waxaa kasoo baxay oo waji gabax ku noqday haday inun ka digigixoonayso dhaliishii ugu waynayd ee dawlad somaliland la jaari ay ogaato ,
Waxaa kaloo dadkii hargaysa ka soo gurmaday ee damacsana inay samata bixiyaan walaalahooda xasuuqa ban loo gaystay in markii waraysi dhicyo badan wata lala galay bulshadii ku dhaqnayd deeganka saylac in ,xita ay soo gudbiyeen ceeb kale oo markii hore ay qarsanayeen wadaniyada aw geed taas oo ahayd,
In sideeda riig ee ay ka caban bulshada ku dhaqaan gobolka salal in ay si mutadawacnima ay ugu deeqday dadka reer Somaliland, dawlada jabuuti iyadoon usoo marin xukuumada ka jirta Somaliland ee si toosa walaalahooda aan haysan dhamaan kabayaashi adeega bulsho ay ugu deeqday,
Maxaa soo baxay ee bulshada gobolka salal qarsanayeen
Waxaa soo baxay in aanay xukumadan hada ka jirta Somaliland waligeedba aanay u salamanaqsan xaga ay ka xigto gobolka salal ,taas oo ina dhaxalsiisay in dawlad inala jaar ahi u qabato shicibkeeni wixii wajibku ka saarna xukumadan lagu hungoobay,
Waxa seegay xukumadan ee aay jabuuti daboosha waa dhamaan kabayaashi bulsho ay yeelan lahayd, hadaan midmid u soo qadana waa kuwan
1) Caafimadkii, (oo ay tusaale u tahay in dhawaci ay sababtay xukumadu in la geeyo jabuuti taas oo xita loo wayey dhiig joojin ,taasina ay keentay in dhawaci qaar kamid ahi arin ay sahalnayd wax ka qabashadeedu in ay dhexda ugu sii dhintan
2) Biyaha ( sidaan hore u xusay deeganka gobolka sida la wada ogsoon yahay waxaa ku habsaday abaaro baahsan mudo dhan 4 sano ah, taasoo ayka adkaysan wayday xukumada jabuuti kadibana ay ugu qoday 8 ceel biyood, jiritaanka ceelashana xukumadeenu ay soo xaqiiqsatay malintii dhawayd ee ay mashaqadu dhacday,
3) Wadooyinka ( dhamaan gudo iyo dibadba malaha gobolkaas wax wado ah oo la isticmaali karo wakhtiyada roobabku yimaadana waa la waaya inta yar ee taayirka gaadhig sunto,
4) Waxbarashada ( markaad u eegto tirada dadka ilaahay ku beeray deegankaasi ma haystaan goobo wax barasho oo ku filan ,baahida waxbarasho ee halkaasi taala waxaay noqonaysaa 85%)
Talo bixin
Waxaa kaloo jira in badan qoraalna aan lagu soo koobi karin, oo ku habsatay walaalaheena reer salal,
? Waxaan ku talin lahaa in madaxweyne ku xigeenka somaliland mar labaad loo dhariyo xilkiil umadani u dooratay inkasto hore loogu dhaariyey hadana ,waxaay ila tahay in mar kale lagu celiyo dhaartas ,dhaartisa ka dibna isaga laftiisa loo sheego in uu yahay madaxweyne ku xigeenkii JSL haduu amini waayana ha loogu dhaarto,
? Shicibka reer SL meel kasto ay joogan bari ilaa galbeed ,xumaanta gacanta ayaa lagu suuliyaye iyadoo si toosa looga hor imanayn xukumadan hadada jirta in awooda codka muwadinka lagu suuliyo,
? Inkasto bulshada badankeedu kalsooni daro wayn ka qaban ina ay mardanbe dhacdo doorasho xalaali , hadana lama quustee waa inaynu badala ,sidii loo badalay maamulkii kan horeeyay oo kale
? Iyo Waddani iyo Ucid aay gartan waajibadkooda xusbinimo oo ay wax kabadalaan siyaasadan aan calamka meel laga dhaqma jirtin ee ay la sooo baxen taas oo ah ,ina laba xusbi mucaarad aay iyagu isa saxaan ,halkay ay ahayd in ay saxaan cidi talada talka lagu la kufay , midna markasta ha ogaadan in mar walba ,siyaasadii siiraanyo ahayd in la helo laba xusbi qaran oo iyagu kaga jeestan danihii qaranka tu shakhsiyana oo iyaga bari soo dhex martay.
cabdilahi cisman cabdi