Saturday, June 15, 2013

Muahanad: oo qaati ka taagan dad magaciisa iyo sawirkiisa ku isticmaalaya Twitter-ka.


Jilaaga caanka ah ee reer Turki  Kivanc Tatlitug oo caan ku ah Mohanad, ayaa qaati ka taagan dad uga qaraabta magiciisa barta Internetka, waxaana jilaagu soo bandhigay dhowr magac oo been abuur ah.




Waxaa jilaagu ka codsday taageera yaashiisa iney iska tiraan bogaga been abuurka ah ee magiciisa ku furan, maadaama isagu uusan adeegsan.




Waxaa xusid mudan in sida badan dadka caanka ah lagu qaraabto magacyadooda, iyadoo iyaga leyska dhigayo, waxaana arintaan caadi ka noqotay goobaha bulshadu ku kulmaan ee Internetka.