Saturday, June 15, 2013

Hargeysa: Dablay Hubaysan oo Toogasho ku Dilay Qof Dumar ah iyo Bilayska oo Dad u xidh-xidhay


Hargeysa(GNA)-Waxa caawa Abaaro 9:40 Saacadda Geeska afrika,  Xaafadda Calaamada ee Magaalada Hargeysa lagu toogtay Haweenay la odhan jiray Raxma Maxamed Xaashi oo ahayd Haweenay saddex Caruur ah dhashay, sida ay Goob-joogayaal u sheegeen Gobanimonews.




Haweenayda ayaa la sheegay in dablay Hubaysani laba Xabadood ku dhufatay iyadoo ka soo baxaysa Dukaan ku yaala Xaafadaasi oo magaciisa la yidhaahdo Al-khaleej, iyadoo markiiba qofkii toogashada sameeyay baxsaday, isla markaana marxuumadu halkaasi ku dhimatay.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Laamaha Amaanka oo la xidhiidha falkan iyo in cid loo qabtay, balse saraakiil goor dhaweyd la hadlay Gobanimonews, ayaa xaqiijiyay in dhawr qof lo ohayo dilka Gabadhaasi, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada dadka ka qabtay iyo sababta lala xidhiinayo dilkaasi.




Sarkaal ka mid ah Ciidanka Bilayska ayaa sheegay in dadka la qab-qabtay wali baadhisi ku socoto oo aan la cadayn Karin inay yihiin kuwii wax dilay iyo in kale, sadaasi darted marka baadhistaasi dhamaato uun la ogaan karo xaqiiqada ka dambeysa dilkan foosha xun.




Maaha markii ugu horaysay ee dil toogasho ah lagula kaco qof rayid ah, balse toogashada qof dumar ah ayaa ah fal cusub oo aan mudooyinkan dambe dalka ka dhicin, taasoo dareen cabsi xambaarsan iyo dood badan ka dhex abuurtay dadka xaafadaasi degen, sida ay sheegeen dad ku sugan xaafada Calaamaduhu.




Dhalinyarada Habeenkii Dadka ku baadha Jidadka Mad-madow  aya ku soo badanayay Xaafadan Dilku ka dhacay, balse hore umay dhicin qudh-goyn loo sameeyo baadhashada dadka waddooyinka maraya.




Gobanimonews




Hargeysa Office