Friday, June 21, 2013

Madaxweynaha dalka Brazil Dilma Roussef oo shir deg-deg ah isugu yeedhay golaha wasiirada ee Xukuumadiisa xili ammaanka dalka Brazil uu faraha kasii baxaayo+Sawiro


(GNA) Madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa dhamaan golaha Wasiiradaha xukuumadiisa isugu yeedhay shir deg-deg ah, iyadoo laga filanaayo in xukuumada dalka Brazil ay ka arinsadaan banaan baxa hareeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Brazil.




Kumanaan Banaan baxayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee dalka Brazil waxayna cabasho iyo rabshado ka dhigeen fagaarooyinka xaruumaha dowladda, dadka banaan baxayaasha ayaa ka cabanaaya inaysan doonayn wax kubad cagta ah balse ee ubaahi qabaan adeeg bulsho islamarkaana lacagaha lagu bixinaayoSportiga ay ka baahanyihiin shacabka reer Brazil.




Banaan baxayaasha ayaa gabi ahaan gubayay taayaro iyagoo gacan ka hadal ugeystay Booliska dalkaasi Brazil waxayna boob iyo dab qabadsiin isugu dareen xaruumaha dowladda iyadoo la arkayay gawaadhi Boolis oo dab ka ololaaya waxaana mudooyinkaan dambe faraha kasii baxayaay ammaanka dalkas oo qalqal galay madaama gobolada dalka uu ku baahay banaan baxa, Madaxweynaha ayay keentay taasi inuu isugu yeedho  golahiisa wasiirada isagoo xaal deg deg ah u raadinaya si shacabka kacdoonka xaaladooda loo dejin lahaa.




Banaan baxa ay dhigayaan dadka udhashay dalka Brazil ayaa imaanaya xili dalkaasi uu haatan ka soconayo tartamo ciyaareed 2014 kana la filaayo inuu marti geliyo koobka aduunka.