Friday, June 21, 2013

Galabta Iyo Hargeysa Stadium +Hawd iyo Hargeysa oo Midkood Hanan doono Koobka

Hargeysa(GNA)-Garoonka Hargeysa Stadium, galabta waa laysugu tegay, waxaana ka socota Ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Somaliland.

Tiro laguma sheegi karo dadka ku sugan gudaha Garoonka ee isugu jira, Taageerayaasha labada Kooxood ee Hargeysa iyo Hawd oo isugu soo hadhay inay kala calafsadaan Koobka Goboladda sanadkan, Madaxda laamaha kala duwan ee Dawlad oo Taaraabuunka ka daawanaya Ciyaarta, Ciidamada amaanka iyo dadka kale ee iyaguna u soo Daawashada tegay Garoonka.

Kooxaha Fanka ayaa bilowgii Munaasibada halkaasi ku soo bandhigay Heeso Waddaniya iyo kuwo ay ku maaweelinayaan Daawadayaasha, waxaana badhtamaha Garoonka Hees aad  Waddaniya oo dadka Qiiro gelisay ka qaaday Labada Fanaan ee Nuur Daalacay iyo Nimco Yaasiin Caraale, oo halkaasi hees ay si talan-taali ah u qaadayaan kaga heesay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu ka soo qayb-galo munaasibada Gudddoonsiinta xulka ku guulaysta Koobka, laakiinse wali muu soo gadhin Madasha, waxaana ku sugan Garoonka Raxan ka mid ah Golahiisa Wsiiradda oo ay ka dhex muuqdaan Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Tababarayaasha labada Kooxood, ayaa mid waliba gaarkiisa rejo ka muujiyey in xulka uu wataa ku guulaysan doono Koobka, daqiiqado ka hor intaanay ciyaartu bilaamin.

Labada  xul ee halkan isku arkayaa waa kuwii sanadkii  2011-ka sidan oo kale isugu soo hadhay ALAMSI Stadium, markaasoo Gobolka Maroodi-jeex ku guulaystay koobka, Hawd-na kaalinta labaad galay.

Gaadhi Crown ah oo ay bixinayso shirkadda Dahab-shiil Group, looguna talo-galay Ciyaartooga ugu Goolasha badan, ayaa garoonka Dhexyaala.

Amaanku wuu suganyahay, Ciidamo Dheeraad ah ayaana jooga Gudaha garoonka oo kala nidaaminaya Taageerayaasha oo aad u xamaasadaysan.

La soco Wararka