Tuesday, June 25, 2013

Ridwaan X. C.Wali: Wariye ka dib, Afhayeen ku cusub Villa Somali


London(GNA) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta u magacaabay afhayeenka xafiiskiisa, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka mid ah Warfidiyeenada da’da yar ee Kartida iyo Firin-fircooda Suxufinimo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay la soo kacay.




Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sanadihii ugu dambeeyay si joogta uga warami jiray Telefishanka Caalamiga ah ee UNIVERSAL, waxaanu ka mid ahaa raga ugu hawl iyo hal karsan ee Telefishankaasi ku dhaato.
Wareegtada magacaabista oo warbaahinta loo qaybiyay Maanta, soona baxday 23-kii Juun 2013, ayaa wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay inuu u cuskaday qaar ka mid ah qodobbada 99-aad ee dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbadiisa (A, D, iyo E) iyo qodobka 100-aad ee isla dastuurka, isagoo xusay in wariye Ridwaan uu ku qiimeeyay xifraddiisa.
“Markaan arkay baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Markaan arkay taariikh nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta la xiriirta warbaahinta ee uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan, waxaan go’aanaday inuu u magacaabo afhayeenka xafiiskeyga,” ayuu ra’iisul wasaare saacid ku yiri wareegtadiisa.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu wareegtadiisa ku sheegay inay dhaqan-galayso wareegtadan marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.
Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa wuxuu noqonayaa afhayeenkii ugu horreeyay ee uu yeesho xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay warbaahinno badan oo dalka iyo dibaddiisa ka howlgala.
Xilliyadii ugu dambeysay, wuxuu ka howlgalayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, sidoo kalena wuxuu wakiil wareed uga ahaa Britain idaacadda VOA-da laanteeda af Soomaaliga.




Wariyahan ayaa sida laga soo xigtay Asxaabtiisa, wuxuu leeyahay Aqoon suxufinimo oo ilaa heer Jaamacadeed gaadhsiisan, isagoo intii uu Telefishanada ka warami jiray, si weyn looga dareemayay Cod karnimadiisa.




Gobanimonews




London Office