Muqdisho(GNA)-ugu yaraan Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen Dagaallo ka dhacay Deegaanka Badhaadhe ee Gobolka jubbada hoose.
Dagaalka ayaa dhex maray Ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya oo is-garabsanaya iyo Xoogaga Ururka Al-shabaab, ka dib markii weeraro cul-culus Dagaalyahanada Al-shaabab ku soo qaadeen Saldhigyo Ciidamada Somaliya iyo kuwa Kenya deegaankaasi ku leeyihiin.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku saabsan Dagaalkan oo saaka dhacay, balse Dad Goob-joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Huwanta ah ee somalya iyo Kenya dib isaga caabiyeen Xoogagii Weerarka ku soo qaaday, kuna suganyihiin fadhiisimadoodii lagu soo weeraray, halka Dagaalyahanadii alshabaab sida loo malaynayo ku laabteen deegaanadii ka soo duulleen.
Dhinaca kale dagaal culus ayaa shalay ka dhacay duleedka degmada Wanlweyn ee Gobolka shabeeladda dhexe, ka dib markii xoogag ka tirsan ururka Shabaab ay weerareen kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.
Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in gaadiid dagaal ay ku gubeen dagaalkaasi shalay, laakiinse Ciidamada Somaliya iyo AMISOM way beeniyeen warkaasi.
Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ka wada qeybo ka mid ah gobolada dalka, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana muuqata inay dib u soo laba kaclayn Milateri iyo dar-dar cusub la soo noqdeen, mudo ka dib hoos u dhicii milateri oo laga dareemayay Dhaqdhaqaaqooda.
Dawlada Somaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa walaac weyn ka muujisay dib u soo noolaanshiyaha Weeraradii Al-shabaab, ka dib Gulufkii ay Jimcihii ku qaadeen Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho iyo Dagaaladdan cusub ee ay ku soo qaadeen Ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom.
Khubaradda dhinaca amaanka ee somaliya, ayaa aaminsan in Al-shabaab ay fursad ka heshay Habacsanaan dhinaca hay’ada amniga haysata, taasoo u sahashay weeraradan khasaaraha culus sababay ee ay soo qaaday Kooxda Al-shaab oo aan Milateri ahaan dhisnayn, laakiinse wali ku tabaniyaya sidii ay Khasaare u gaadhsiin lahaayeen Dawlada iyo Hay’ada ay iska kaashanaayan dib u dhiska waddanka.
"Siyaasad amniga gudaha ayaan fadhiyin, gaabis badan ayaa jira, awal weerarada waqti lix bilood ayaa u dhaxeyn jiray, hada labo bilood gudahood ayay ku dhacayaan, hoobiyeyaasha la soo tuuri jiray, mar mar ayay dhici jireen, hadana labo jeer ayaa todobaad gudihiis la soo tuuray"sidaasi waxa yidhi Agaasimihii hore ee Hay’ada nabad-sugida Somaliland Axmed Macalin Fiqi.
Waxaanu intaasi ku daray inaan dhismaha Mileteri ee Al-shabaab si fiican u dhisnayn "Dagaalka shabaab iskuma dheeli tirna, wey yaqaanaan shabaab meesha garabka ay ka cunayaan, laakiin dagaalka looma dhama, kuwii shalay wax laayay qabiil ma ahayn, laakiin markii Shabaabnimo lagu soo qabtay, waxa daba ordaya odayaal, xildhibaan, iyo ehel raba inay qabiilnimo ku soo daayaan".
Dhinaca kale, Saraakiisha laamaha amniga ee Muqdisho ayaa Gobanimonews u sheegay inay dareen hor leh iyo dib isu habayn ka korodhsadeen Weerarkii Xarunta Qaramada Midoobay, inkasta oo ay walaac ka muujiyeen sida loola dagaalami karo qof qarxya oo aan naftiisa difaacayn, kuna soo talo-galay dhimasho iyo dhib geysasho labadaba.
Si kastaba ha ahaatee Weerarada Al-shabaab oo marba marka ka dambeysa waji cusub iyo xeelad loo isticmaalayo ayaa u muuqda kuwo taxan ilaa Magaalada Nairobi oo xalay Gaadhi walxa qarxa laga soo buuxiyay lagu qabtay, wer-wer badana la soo dersay hay’ada amaanka ee wadankaasi.
Dawlada somaliya ayaan ilaa hada soo bandhigin qorshe cusub oo ay kula Dagaalamayso Xag-jiriinta ku filiqsan Gudaha dalka, waxaase cad inay Ciidan ahaan hada aad uga awood badantahay Kooxda Al-shabaab oo laba sanadood ka hor Magaalada muqdisho qayb ka mid ah ka arimin jiray.
Gobanimonews
Muqdisho Office