Hargeysa (GNA)- Ha’yadda Horumarinta Waddooyinka Awdal iyo Salel ee ASARDA ayaa maanta bilowday dhismaha 5.5km ka mid ah qaybtii ugu dambaysay ee jidka isku xidhi doona Boorama iyo Dilla oo laami laga dhigayo.
Bilowga jidkan ayaa waxa goob-joog ka ahaa Badhasaabka Awdal, Xoghayaha Gobolka Awdal, Madaxda Hayada ASARDA iyo Sheekhul-baladka Boorama.
.
Culayska hawsha maanta la qabtay ayaa waxa uu ahaa in daamur la saaro 2km oo ka mid ah gabagabada jidkaasi, waxana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ha’yadda ASARDA Cabdilaahi Xaaji Ciise waxaanu yidhi “Waxa aan muddo 3 bilood ahba soo wadnay shan km iyo badh ay xukuumadu maal galisay oo dhamaystiraysa jidka isku xidha Boorama iyo Dila, waxa aan manta daamur saaraynaa 2km oo ka mid ah, waxana ay tani tahay guul Eebe suura galiyay inay qabsoonta, waxa kale oo aan sheegaynaa in aan leenahay waayo aragnimo balaadhan oo aan rabno inaan kaga faaiidaysano dhismaha wadadan, waxana aan rajaynaynaa in tayada wadadani ay wax badan ka wanaagsanaato wadooyinkii hore.”
.
Gudoomiye Cabdilaahi Xaaji Ciise waxa uu u mahad naqay xukuumada Somaliland ee heer gobol iyo Qaran oo uu xusay inay dadaal balaadhan u galeen sidii jidkani u dhismi lahaa isla markaana aanu la’aantood dhismeen.
.
Sheekhul-baladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar ayaa isaguna u duceeyay inta ay xukuumada oo sida uu sheegay ka soo baxday balantii ay qaaday ee ahayd inay dhamaystirto jidkan ka soo baxday, sidoo kalena waxa uu xusay in hayada ASARDA ay muujisay dadaal xoogan oo u baahan in lagu dayso.
.
Abubarkar Xuseen Miicaad Shiine Dheere oo ka mid ah xubnaha Ha’yada ASARDA oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa xukuumada, ganacsatada reer Somaliland ee waawayn iyo dadka qurbaha oo ka qayb qaatay dhismaha jidkan, waxana aan leeyahay anaga oo gacmaha is haysana aan u dhaqaaqno dhinaca kale ee jidadka Boorama iyo Baki, Baki iyo Lughaya, Boorama iyo Boon, Boon iyo Djibouti iyo wadooyinka kale ee noo dhiman ee wali u baahan wax ka qabadka kuwaas oo anaga na sugaya.”
.
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa guul ku tilmaamay bilawga dhamaystirka jidkan waxana uu yidhi “Waxa aan ku faraxsanahay in dhawaan jidkani dhamaan doono, waxa aan u mahad naqayaa hayada ASARDA oo dadaal balaadhan ku bixisay iyo xukuumada oo uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo oo dadaal balaadhan u gashay iyo shacabka gude iyo dibadba oo aanan waxba ka hakran, Wax Eebe loogu mahadnaqo weeyeen, wax ku dayasho mudan weeyaan, waxana aan ka marag kacayaa in Gobolka Awdal uu hormood ka yahay dhismaha wadooyinka ee dalka ka socda”
.
“Bulshada waxa aan leeyahay tan oo kaliya ma aha, wax badan ayaa ina sugaya, wax badan ayaa u baahan inaad hormuud ka noqotaan, xukuumaduna marka aad aragto inaad ka qayb qaadanaysaan ayay ku waajibaysaa inay dhamaystirto, waxana ka mid ah, Madaarka Boorama, Wadooyin badan oo gobolka laga wado ayaa ka mid ah, sida wadada Turki, wadada Baki iyo Boorama ayaa na sugaysa, wadooyin badan oo lagaga shaqeeyo Cunto shaqo ku badalasho ayaa ina sugaya, waxaas oo dhana waxa ay ku suura galayaan marka loo soo jeesto ee gacmaha la is qabsado” ayuu yidhi Badhasaab Cabdoo.
.
Si kastaba ha ahaatee dhamaystirka Jidkan u dhexeeya Dila iyo Boorama ayaa waxa lagaga nasan doonaa dhibaato badan oo dadka rakaabka ah ka soo gaadhi jirtay jidkan, waxana ay noqonaysaa mashruucii ugu balaadhanaa ee dhinaca wadooyinka ah ee ka qaybsooma Awdal ee aan look ala hadhin dal iyo dibadaba iyada oo ay xukuumadu xisbiga Kulmiye ku amaanan tahay.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com