Friday, September 27, 2013

Ethiopia : Cabsi kama qabno weerar Alshabaab nagu soo qaado


Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aanay wax wal wal ah ka qabin weeraro Al-Shabaab uga yimaado, kadib markii howl gal qaatay afar maalmood ay ku qaadeen rag hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsanaa Rugta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mucaaradka Itoobiya ayaa muujiyay qatarta Al-Shabaab oo ku aadan in weerarada soo socda inay ka geystaan gudaha Itoobiya, taasoo daba socota fara gelinta milateri ee Itoobiya ku sameeyeen Soomaaliya, oo kumanaan askar kaga sugan yihiin.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in aanay jirin qatar xaga ammaanka ah, isagoo xusay in ciidamadooda qaranka iyo kuwa Sirdoonka ay yihiin kuwo feejigan.

"Ciidamadeena qaranka ah iyo Sirdoonka Itoobiya waxay difaaci doonaan dalkooda, ma jirto sabab keena karta in aanu wal walno"ayuu yiri Dina Mufti oo u waramay wargeysga Sudan Tribune ee ka soo baxa dalka Sudan.

Mr Mufti ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay baaqi ku sii ahaanayaan ilaa Al-Shabaab laga wiiqo, isla markaana nabad iyo xasilooni kaga soo celinayaan Gobolka.

Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa galay heegan buuxa, kadib markii ay ka war heleen weeraro ku xiga kii Nairobi inuu ku soo wajahan yahay caasimadahooda, digniino ka soo baxay Al-Shabaab.

Weerarkii Sabtidii Al-Shabaab ku qaaday Xarun ganacsi ku taal magaalada Nairobi ayaa muujisay awooda Shabaab u yeelan karto in xilligan weeraro ka baxsan Soomaaliya ka fuliso dalalka Gobolka.