Thursday, September 26, 2013

New-york: Madaxweyne Xasan Sheikh oo laba hogaamiye oo Carbeed iyo Hillary Clinton la kulmay,Fariimo kala duwana u Gudbiyay


New-york(GNA)-Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka oo ka qayb-galay Shirka Sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay. 




Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.




Madaxweynaha ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagrashada  lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya. “Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yidhi Madaxweynuhu.




 Waxa kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay in dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa baahi weyn  loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo  tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.




 Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar.




Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani Wuxuuna uga waramay xaalada dalkiisa, iagoo u sheegay in Argagixisadu dhib ku hayso.




 “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado, waxay isku dayaan inay waxyeeleeyaan shacabka caam ahaan, Naf iyo Maal ahaanba, waxaana looga hortagi karaa dhisitaanka ciidamada xoogga dalka”ayuu yidhi Madaxweynuhu isagoo la hadlaya Amiirka Qadar.




 Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar aysan marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya.




 Kulanka Hillary Clinton iyo Madaxweyne Xasan Sheikh.




Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.




 Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”




 Madaxweyne Xasan Sheikh oo wali booqasho ku jiiga dalka Maraykna ayaa maalinta berri ah qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay ee New-york, taasoo uu kaga warami doono xaalada somaliya ee xiligan iyo waxyaabaha u qabsoomay dawladiisa mudadii uu xukunka hayay oo sanad ah hadda.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com