Sunday, September 29, 2013

Khaatumo: Wasiir Waran-cadde waxa uu Fulinayaa Riyadda Maamulka Xirsi ku-simaha Madaxweyne ka yahay, Maamul-na kuma fidin karo Buuhoodle”


Buuhoodle(GNA)-Afhayeen u hadlay Maamulka Khaatumo ee Buuhoodle, ayaa ka digay xiisad ka dhalata dhaqdhaqaaqyo somaliland ka waddo Deegaamada Buuhoodle, gaar ahaan Maamul fidin iyo Xoolo ay kala dhaceen Bulshooyinka Deegaamada Buuhoodle iyo Qorulugud oo ay Sheegtay in xal laga gaadhay.




Arintan ayaa daba socota hadal shalay ka soo yeedhay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo sheegay inay dawladu ku guulaystay in Beelaha labada Deegaan u kala celiso Geelal dhawaan la kala dhacay, isla markaana Wasaaradda arrimaha guduhu hir-gelinayso qprshe maamul fidin ah oo Goboladda Bariga laga fulinayo.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheikh Cumar Xasan, ayaa  laab la kac siyaasadeed ku tilmaamay qorshaha Wasiir Cali Warancadde sheegtay ee Maamul ku fidinta Gobolka Buuhoodle iyo Deegaamada kale ee Khaatumo ka arrimiso, isagoo dhinaca kalena  ku dooday inaanay macno badan samaynayn u kala celinta Geelasha la kala dhacay ee Bulshooyinka wada degen Gobolkaasi, iyadoo aan  Maslaxad nabad-gelyo la kala dhex dhigin Beelaha.




Maxamuud Sheikh Cumar Xasan, ayaa sheegay in Geelal loo kala celiyo Shacbiga Buuhoodle iyo Qorulugud, ay ka horayso xalinta dhibaatooyinkii ka dhashay  Colaadii Deegaamada kalshaale, Hagoogane, Maygaagle iyo Sool-joogto, isagoo waxaan dhacayn ku tilmaamay in Maamulka Somaliland lagu fidiyo Buuhoodle, balse Cali Waran-cadde ku riyooday arintaasi.




“Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Waran-cadde waxa uu sheegay inay ku guulaysteen in Beelaha buuhoodle iyo Qorulugud loo kala celiyo Geelal ay kala dhaceen iyo in Maamulka Somaliland lagu fidiyo Buuhoodle iyo Deegaamada kale ee Khaatumo, markaa horta marka hore iyadoo ay wanaagsantahay in wixii dhac ah ee Beelaha dhex mara la xaliyo oo loo kala celiyo, hadana waxaan leeyahay Waran-cadde meeshan Dagaaladii Kalshaalle, Maygaagle, hagooganeiyo Sool-joogto  colaadii ka dhacday, Dadbaa lagu laayay, qaarbaa lagu dhaawacay, Boqolaal qoysbaa ku agoomoobay, Baro kacbaa ka dhacay, Kufsi iyo dhibaatooyin kalaa ka dhacay, ilaa hadana wax laga wadda hadlay iyo meel lagu xaliyay toona ma jirto, walina way taaganyihiin, markaa Geel la dhacaybaanu celinay, wax macno ah oo ay samaynaysaa ma jirto, arintanina way kaa horaysay oo xilka waad ku cusubtahay ee haku dhex dhicin ayaan leeyahay”ayuu u sheegay Gobanimonews Maxamuud Sheikh.




Qorshaha Maamul fidinta ee Somaliland sheegtay ayuu sidoo kale ku tilmaamay Riyo “ Waran-cadde Maamulbuu ka tirsanyahay, xaggana maamulbaa ka jira, hadii la leeyahay labada Maamul haka wada hadleen dhibaatooyinkaa dhacay, waa arin, Beeluhu waa dad walaalo ah saacado kooban oo dagaal dhex maray kuma kala tegayaan, iminkana cidi ma dhex joogto, laakiinse ta uu leeyahay Maamulbaanu ku fidinaynaa Goboladda Bariga, waxaan leeyahay Somaliland haka baxdo Goboladda Khaatumo ee ay haysato”ayuu yidhi.




Agaasimaha Daakhiliga Maamulka  Khaatumo, waxa kale oo uu Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ku dhaliilay in deg-deg siyaasadeed ku jiro, isla markaana uu ku goodiyayo inuu Waxqabad deg-deg ah ka dhigto faro-gelin uu ku sameeyo Deegaamada Barriga, taasoo uu uga digay,kula-na taliyay inaanu ku deg-degin arimahaasi “Wasiirku xilka wuxuu ku cusubyahay , waxaanu ku shaqaynayaa Siyaasadda Maamulka uu ku-simaha Madaxweyne ka yahay Ninka la yidhaahdo Xirsi, horena wuxuu uga mid ahaa wasiirradii fuliyay Isticmaarsiga Gobolka Sool, markaa waxaan kula talin lahaa inaanu ku sinbiririxan hawshan uu faraha la soo geliyo”.




Sarkaalkan u hadlay Khaatumo, ayaa intaasi raaciyay in wax lala yaabo ay tahay inay Somaliland Hindisto inay  mar kale doonayso inay qabsato Deegaamadii ay shacbiga ku Gumaaday, iyadoo aan wali waxba layska waydiin kuwii ku dhintay , dhaawicii iyo dhibaatooyinka kale ee ay Ciidamada Somaliland u geysteen “Colaadii deegaamadan ka dhacday waxay ahayd mid siyaasadeed, waxaanan ognahay inay Kalshaale Heshiisyo Shidaal ku soo gashay oo aanan wali sheegin, balse talaabadan cusub  uu sheegay waxaanu u aragnaa colaad hor leh abuuraysa ee hadii ay sidaa tahay waxaan leenahay dee iska keen horkeena awalba waad yeeli jirteene”ayuu yidhi isagoo Gobanimo u waramaya.




Hadalkan ka soo yeedhay Maxamuud Sheikh Cumar, ayaa ku soo beegmaya xili bilihii u dambeeyay Geelal la kala dhacay Xiisad ka dhex abuureen Beelihii sanadkii 2011-kii ku dagaalamay Deegaanka Kashaalle, oo aan ilaa hada Maslaxad lagu soo afjarayo colaadii dhex martay aan la kala dhex dhigin, isla markaana Khasaarihii kala gaadhay aan wali loogu kala xaajo qaadin.




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com