Friday, September 27, 2013

Guddoomiyaha Wakiiladda Iyo Wasiirro Ka qeyb galay Shirweynaha Gudida Wanaag Farista.


Hargeysa (GNA)-Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Md. c/ raxman Maxamed C/llaahi iyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil C/llaahi Axmed oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan Golayaasha qaranka ayaa ka qayb galay Shir-weynaha Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo lagu qabtay magaalada Hargaysa.




Kulankan oo ah shirweynaha labaad ee Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo xalay lagu qabta y magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday xarumaha gudida wanaagfaristu ku leeyihiin Gobolada Dalaka iyo martisharaf ka socday qaybaha bulshada.




Hadal uu kulankaas ka jeediyay Gudoomiyaha Gudida Wanaagfarista Iyo xumaan reebista Sh. Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa uu kaga waramay xilliyadii hawlgalka gudidani soomaray talaabooyinka u qabsoomay , iyo baahiyaha u baahan in laga gacan siiyo, waxa iyana halkaas ka soo jeediyay warbixino ku wajahan waxqabadka Gudida ee Magaalooyinka Dalka Ergooyinkii Gudida wanaag farista ee kulankaas ka soo qaybgalay.




Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta sh. Khaliil c/llaahi axmed ayaa isaguna kulankaas ka sheegay in wasaarada awqaafta iyo gudida wanaag farista iyo xumaan reebistu leeyihiin xidhiidh joogto ah,xukuumaduna diyaar u tahay in ay gacan ku siiso meelaha u baahan in laga taageero waxqabadka toosan ee gudidani ku hawlanyihiin.




Wasiirka wasaarada maaliyada Md. C/casiis Maxamed Samaale ayaa isaguna halkaas ka sheegay in wasaaradiisu gacan ka siin doonto wax ka qabashada baahiyaha gudidu ay kulankaas ka sheegeen.




Gabagabadii shirkaas Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/ raxmaan Maxamed C/laahi ayaa ku ammaanay gudida wanaag farista iyo xumaan Reebista dadaalkooda ku wajahan wacyigalinta hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada dhexdeeda ka qabtaan , taas oo uu xusay in ay lagama marmaan utahay toosinta mujtamaca. Waxa iyana kulankaas hadalo bogaadin iyo dhiirigalin ah kulankaas ka soo jeediyay xubno kamid ah musiiliyiintii culimadii iyo wax garadkii kale ee ka sooqaybgalay.




 




Gobanimo News Agency




hargeisa office




Editor@gobanimonews.com