Tuesday, September 24, 2013

Faahfaahintii ugu danbeysay ee ku saabsan dagaalka Xarunta Ganacsiga ee Wastgate Nairobi


(GNA) Wararka aynu ka helayno goobta dagaalku ka socdo ayaa wali waxaa ka dhacaya xabado goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan kooxaha xooga halkaasi ku haysta iyo ciidamada amaanka.




Gudiga Amniga Qaranka Kenya ayaa sheegay inaay ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Israa’iil ay la wareegeen xarunta ganacsiga Westgate Hall, laakin waxaa wali la maqlayaa xabado kasoo dhacaya daarta ay kooxaha Al-shabaab afduubka ku haystaan dad aan tiradooda la cayimin.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Joseph Olelenko oo shir jaraa’id ku qabtay halka dagaalku ka socdo ayaa faahfaahin ka bixiyey in ciidamadoodu ay nadiifiyeen daarta Westgate isla markaana ay dileen sedex ka mid ah dagaalyahanada xooga ku haysta halkaasi, ayna badbaadiyeen tiro dad ah oo lahaysteyaal ahaa, sidoo kale wasiirka wuxuu qiray in toboneeyo ciidamadooda ah ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta




Wasiirka ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inaay xoog kusoo furan doonaan lahaysteyaasha wado kale oo u furanna aysan jirin isla markaana aysan waan waan la gali doonin Al-shabaab iyo Al-qaacida.








 




Dagaalyahanada halkaasi ku jira ayaa hadalo is qalaafsan uu kasoo baxayaa, waxaana tiraddooda lagu qiyaasay ilaa 10 – 15 qofood oo ay hogaaminayso haweenay dhalasho Ingiriis ah haysato oo muslimad ah laakin warkaasi wali isma soo tarin.




Tobaneeyada ka yaabiyay dowlada Mareykanka, Israa’iil iyo Kenya ayaa waxaa lagala kulmay iska caabin xoog badan iyo waliba rasaasta oo aan ka go’yn isla markaana ay usii dheertahay ineeysan hurdo qabanayn oo aanu daal ka muuqan.




Dagaalyahanada ayaa lala yaaban yahay sida ay udagaalamayaan iyo waliba daal la’aanta ka muuqata halka ciidamada huwanta ay is bad badalayaan 6 saacba mar.




Waxaanan jirin wax wadahal ah oo u dhaxeeya argagixisada iyo dowlada Kenya waxaana ay aaqirka noqon doontaa in gacmaha la isula tago.




 




 




 








Laba nin oo la sheegay inaay usocdeen dibadda ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jouma Kenyata taasoo ay dowlada Kenya ku sheegtay inaay yihiin kuwii ka danbeeyey abaabulka dagaalka hada socda, waxaanan la ogayn dadka ay yihiin labadaasi nin warar aan la xaqiijina waxay sheegayaan inaay yihiin Soomaali Canadian.




Dagaalka oo ay Kenya ku sheegtay inaay soo afjareen ayaanan u muuqan mid soo idlaaday dadka ka ag dhaw hareeraha Westage ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inuu dagaalku wali socdo lana maqlayo rasaas goos goos ah, sidoo kale waxaa wali goobta buuxa dadweyne tiro badan oo eheladooda lagu haysto dabaqa sare taasoo cadayn u ah in wali gudaha uu dagaal ka jiro walina aan lasoo afjarin.




 








 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com




askars4@hotmail.com