Wednesday, September 25, 2013

FBI-da Maraykanka Oo Si Taxadir Leh Looga Dalbaday Inay Kor Kala Socdaan Dhaqdhaqaaqa Dadka Soomaalida Ah Ee Haysata Jinsiyada Maraykanka Ee Ku Sugan Gudaha Maraykanka






 Kampala-(Gobanimo news)-Peter King, oo ah madaxa gudiga sirdoonka ee golaha Senetka ee dalka Maraykanka ayaa u sheegay hay?adda FBI-da ee dalkaasi inay si taxadar leh kor ugala socoto dhaqdhaqaaqa dadka Soomaalida ah ee Americanka ah ee wadanka Maraykanka ku nool ka dib weeraradii dhawaan lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee ku taala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waxaanu tibaaxay in kooxdda dablayda ah ee hubaysan ee weerarka ku qaaday gudaha dhismaha westgate Mall in intooda badan ay tababaro ku soo qaateen gudaha dalka Maraykanka, waa sida uu hadalka u yidhiye.



Masuulkan lagu magacaabo Peter King, ayaa Shabakadda Wararka ee ABC, uga waramay asbaabaha ku kalifay in uu arrimahan faahfaahin ka bixiyo wakhti xaadirkan waxaanu hoosta ka xariiqay inwadanka Maraykanka ay ka jirto waa sida cabsi ah in qaar ka mid ah Soomaalida Maraykanka ahi ay dalkaa ka fuliyaan weeraro, waxaanu farta ku fiiqay in ku dhawaad Afartan ilaa Konton Soomali ah oo sita jinsiyada Maraykanku ay ka anba baxeen wadanka Maraykanka si ay taba baro ugu soo qaatan gudaha dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi la khaarajiyay halka kuwo kale oo ka mid ahina ay nool yihiin.




 




Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Jonh Kary, oo kulan kula qaatay magaaladda Washington Wasiiradda Khaarajiga ee dalka Soomaaliya Fowsia Haji,Adan iyo danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Maraykanka, ayaa, isna dhiniciisa daboolka ka qaaday in weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ww Westgate Mall ee dalka Kenya ay astaan u tahay oo uu soo xusuusinayso wadanka Maraykanka halista xooggaga xarakadda Al-Shabaab ay weli ku leeyihiin gudaha wadanka Soomaaliya iyo dalalka dibadahaba, waxaanu tibaaxay in khatarta xarakadda Al-Shabaab ay saamayn ku leedahay guud ahaan caalamka.