Monday, September 30, 2013

Xanuunka Hargabka Siyaabaha Lagu Kala Qaado Iyo Sida Loo Daweeyo…


(GNA)Hargabka influwenzada oo dad aad u badan sariirta saara sanad kasta waxaa sababa fayrus la yiraahdo “influenza virus”, wuxuuna si fudud ugu faafaa qufaca iyo hindhisada xiliyada qaboobaha. Wuxuu hargabka caadiga kaga duwan yahay isagoo aad uga daran, qaataana waqti ka dheer. Calaamadahiisa oo si deg-deg ah ku bilowda waxaa ka mid ah:




 




 Xumad ama qandho sare, badanaa ka badan heerkulka  37.8 °C,    Qufac  Dhuun xanuun (sore throat)




  Duuf iyo san-cabudh   Madax-xanuun Murqo xanuun Daal iyo tabar dari




Talaalka: Wadamada reer galbeedka waxaa badankood si lacag la’aan ah looga talaalaa waayeelka ka weyn 65 sanndood, haweenka uurka leh iyo dadka qaba cudurada qaarkood.




Dawada Tamiflu waxaa loo isticmaalaa:  1) In lagu daweeyo hargabka influwenzada




2) In looga hortago inuu kugu dhaco kadib markii aad la kulantay qof qaba.




Wuxuu yareeyaa calaamadaha cudurkan iyo waqtiga uu qofka hayn karo iyo wiliba in uu sii keeno cuduro dheeraad oo nafta khatar galin kara. Haddii aad calaamadaha isku aragtid waxaa haboon inaad bilowdid 48 saacadood gudahood. Cudurkan waxaa qofka qaba kuu soo gudbin karaa markuu ku dhaco ilaa hal todobaad  markuu hayo.




Hargabka shinbiraha iyo kan influwenzada aad ayay u dhib badan tahay in la kala sooco maadaama ay calaamadahoodu isku mid yihiin hase yeeshee waa isku daawo oo labaduba waxaa lagu daaweeyaa kaniinika Tamiflu




. Antibiyootik waxba kama tarto sababtoo ah waxaa keena fayruus ee ma aha bakteeriyo.




Adeegan wuxuu ku haboon yahay inuu daboolo baahida dadka jooga wadamada aan laga helin daawadan, doonaya inay guriga isaga oo laato ama safraya. Kuma haboona dadka markaa qaba cudurkan gaar ahaan haddii ay waayeel yihiin ama ay qabaan cuduro kale. Dadkaas waayeelka ah ama nugul waxaa lama huraan ah inay dhakhtar la tashadaan si loo siiyo talada markaa ku haboon.




Sida Tamiflu loo qaato




Dawayn: Tamiflu ayaa shan maalmood la qaataa laba jeer maalintii, cunada kadib.




Ka hortaga inuu kugu dhaco (sida markuu ku dhaco qof guriga kula dagan): Tamiflu ayaa 10 maalmood la qaataa hal xabo maalintii quraacda kadib.




Dhakhtar la tasho




Hargab influwenzada wuu sii xumaan karaa kadibna wuxuu keeni karaa cuduro nolosha khatar galin kara, gaar ahaan dadka qaba cudurada sanbabada & neefta, wadnaha, kalyaha, beerka, neerfayaasha, ama uu hooseeyo difaaca jirkoodu, sonkorow, ama macaanka  haweenay uur leh, waayeel ka wayn 65 sano ama caruur ka yar 5 sano.




Dawooyinka kale:




Waxaa jira nooc hawo-mareenka lagu buufin karo (inhaler) oo loo isticmaalo haweenka uurka leh iyo dadka kalyaha ka jiran.




Tamiflu  Tamiflu 75mg kiniin 10 xabadood Tamiflu Tamiflu 75mg kiniin 20 xabo (laba jeer ama laba qof in ku filan)               




 Tamiflu: Tamiflu ayaa 5 maalmood la qaataa 2 jeer maalintii haddii uu markaa ku hayo. Haddiise aad ka hortag u qaadanaysid sida haddii uu ku dhaco qof guriga kula degan oo aad ka baqaysid inuu kuu soo gudbiyo; qaado hal kiniin maalintii 10 maalmood.




Diyaariye:ASKAR




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com