Saturday, September 28, 2013

SL:Madaxtooyada oo Gaadiidleyda Cashuurta ka Gaddoodsan sababaysa iyo Mucaaridka oo Dhaliilaha Xukuumadda Mar kale soo Faqaya


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulan la yeelan doono Guddiyada Iskaashatooyinka Gaadiidleyda somaliland oo si weyn uga soo horjeeda Cashuuraha Xeerka Takaaliifta waddooyinka, kuwaasoo uu doonayo inuu ku qanciyo inay aqbalaan, bixiyaana lacagaha lagu soo rogay si waddooyinka loo dhiso.




Sida ay Gobanimonews warka ku heshay, Tani waxay ka dambeysay diidmo taagnayd tan iyo markii Golaha wakiilladu ka doodayeen Xeerkaasi oo Maalintii Salaasada la ansixiyay, ka dibna isla habeenkiiba Madaxtooyadu dhaqal-gelintiisa soo saartay, isla markaana af iyo adinba u qaaday cidii isku dayda inay ka hortimaado, sida Xisbiyada Mucaaridka ah oo Bilays la dul-dhigay maalintii la ansixinayay.




Gaadiidleyda oo laba maalmood ka hor intaan xeerka la meel-marin cabasho la hortegay Golaha wakiillada ayaa hadal iyo hugunba laga waayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay inay doonayeen inay shaqo joojin iyo Mudaharaad wada socda sameeyaan.




Balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo aqalka Madaxtooyada ku dhadhow Wasiirka Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu u ogolaaday xubno ka socda inay la kulmaan maalmaha soo socda ee todobaadkan soo gelaya, waxaana la hadal hayaa in kulankaasi dhici doono maalinta Axadda ama Isniinta soo socota.




Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ururadda gaadiidleyda, oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino jiritaanka warkan iyo waxyaabaha ay wasiirka kala hadli doonaan ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen Telefoonaddooda gacanta oo aanu ka wacnay.




Dhinaca kale, labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID oo muddooyinkan dambe xukuumadda dhaliilo la daba joogay, isla markaana laga hor-istaagay Mudaharaad ay todobaadkii dhamaaday bulshada ugu baqeen, walina aan gudbin codsi kale oo ay ku dalbanayaan, ka dib markii wasaaradda arrimaha guduhu ku war-gelisay inay soo dalbadaan saddex cisho ka hor maalinta isu baxa, ayaa maalinta Sabtida ee Berri mar kale dibada soo dhigaya Dhaliilo xukuuamdda ay u soo jeedinayaan.




Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay Saraakiil labada Xisbi ka tirsan, ayaa sheegaya in kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay yeesheen Hogaanka labada xisbi laga sameeyay Gudiyo ka kooban min afar xubnood oo labada dhan, kuwaasoo si wada jir ah u qaban doona Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arrimo badan.




Arrimaha ay ka hadli doonaan waxa ka mid ah Jawaab ay ka bixinayaan eedeymo dhinaca xukuumadda uga yimi labadii maalmood e la soo dhaafay, gaar ahaan wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir u dawlaha Maaliyada iyo dhaliilo kale oo ay ka soo jeedinayaan xeerka Takaaliifta horumarinta waddooyinka.




Waxa kale oo la sheegay inay cadeyn doonaan maqfikooda ku aadan dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha ee Laamidda laga dhigayo  iyo horumarinta waddooyinka dalka oo dhan,taageerina doonaan mashruucaasi, isla markaana qaadhaan lacageed oo ay ku darsanayaan ay ku dhawaaqi doonaan, balse arinta ay ka soo horjeedaan ay tahay Cashuuraha xad dhaafka ah ee Bulshada la saarayo.




Dhinaca kale, Labada Xisbi Mucaarid oo sida la sheegay dawladu u diiday in lagu casuumo Xaflad qalin jabin ah oo Maalinta Axadda ka dhici doonta jaamacadda hargeysa, taasoo loo qabanayo  arday halkaasi ka dhamaystay Culuum Jaamacaddeed, ayaa sida la hadal hayo soo qaadi doona u cabanaanta xukuumadda ee dhaliilaha Mucaaridka, dareenkooda ku aadan arintaasi lafteeda oo markii ugu horaysay waddanka ka dhacday.




Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo muddo saddex sanadood iyo laba bilood ah talada haysay, ayaa u muuqata inay waajahayso mucaaridad ka xoog badan tii Dawladii Rayaale, xili muddo 22 bilood ahi uga hadheen xukunka, taasoo hadii ay isbedel siyaasadeed ku keeni waydo xaalkeeda ka dhigaysa mid allow sahal ah .




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com