Wednesday, September 25, 2013

Dhalinyaro Ku Nool Sweden Oo Shabaabku Sheegeen Iney Ka Mid Yihiin Ragi Galay Westgate Oo Beeniyay Hadalka Shabaab





 

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan qaarada Yurub oo dhowaan ay kooxda Al-Shabaab magacyadooda ku sheegeen iney yihiin ragii fuliyay weerarkii argagixisanimo ee suuqa Westgate ayaa iska fogeeyey iney ka tirsanyihiin argagixisada, ayadoo arintaasina ay si weyn u falanqeeyeen warbaahinta dalalka reer Yurub.



 



Laba dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalka Sweden ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay fajac iyo la yaabna ay ku noqotay kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay soo bandhigeen magacyadooda oo ay ku sheegeen iney ka mid yihiin ragii ka qeybgalay falkii argagixiso ee ka dhacay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.



 



Warbixin ay maleeshiyaadka Shabaab soo dhigeen barta Twinterka ayeey ku xuseen magacyada labadan wiil ee Soomaalida ah,  kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Ismaaciil iyo Maxamed waana 19 sano jir iyo 21 jir.



 



Waaxaha sirdoonka iyo qeybaha kaladuwan ee booliiska dalka Sweden ayaa bilaabay iney baadigoobaan labadaasi dhalinyarada ah,  kadib markii magacyadooda oo buuxa ay soo bandhigeen kooxda Shabaab, waxeyna heleen Labadan wiil oo islamagacyadan wata oo degan magaalo la yiraahdo Fakhsha oo ku taala koofurta dalkaasi Sweden.



 



Labadan dhalinyarada ah ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay markii ay arkeen magacyadooda oo ay soo bandhigeen kooxda Shabaab oo ay ku sheegeen iney qeyb ka yihiin dhalinyaradii weerarka ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate, waxeyna dhalinyaradan ku suganyihiin guri ay ka deganyihiin magaaladaasi, sidaana waxaa daabacay wargeys ka soo baxa dalkaasi oo la kulmay wiilashaasi.



 



Hooyada dhashay mid ka mid ah wiilashaasi oo lagu magacaabo Istarliin ayaa sheegtay iney aad uga welweshay markii loo sheegay in weelkeeda uu ka mid yahay kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga Westgate,  laakiin uu hadalkaasi beenoobay markii ay aragtay wiilkeeda oo si caadi ah Game ugu ciyaaraya qolka uu ka deganyahay guriga.



 



HOOYADII OO HADLAYSA HALKAN HOOSE KA DAAWO IYO WIILKEDA.