Tuesday, September 24, 2013

Hargeysa: Xisbiyada Mucaaridka h oo Maanta mar kale ku baaqay mudaharaad loo dhanyahay iyo Muj. Cali Guray oo Hanjabaad ku ladhay


Hargeysa(GNA)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa maanta mar kale ku baaqay Mudaharaad loo dhanyahay oo lagaga soo horjeedo Xeerka Takaaliifta horumarinta Waddooyinka oo Maanta Golaha Wakiilladu ansixiyay.




Xubno ka mid ah Hogaanka sare ee labada Xisbi oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga Ucid Maanta oo Salaasa ah, ayaa Bulshada Somaliland ee Goboladda dalka oo dhan ugu baaqay inay isugu soo baxaan saddexmaalmood ka dib dibad bax lagu diidanyahay Cashuuraha Xeerkaasi ku jira oo cabasho badani ka taagantahay.




Baaqan ka soo baxay Maanta ayaa ka dambeeyay, ka dib  markii ay mudaharaadkan oo ay maanta u balansanaayeen Xukuumaddu cadaadis ku saartay inay nidaamka sharciga ah u maraan, kaasoo dhigaya inay saddex maalmood ka hor dibad-baxa Codsiga ay ku dalbanayaan u soo gudbiyaan Wasaaradda arrimaha gudaha.




Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed xasan (Cali-guray) iyo Cabdirashiid Riyo Raac oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Waddani oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa si wada jir ah u iclaamiyay qabashada dibad-baxaasi, waxaanay Xukuumadda ku eedeeyeen inay Dhaqaale Uruursi iyo dhiig-miirasho shacbiga ku hayso.




Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Cali Guray, ayaa ku Hanjabay inay mucaarid ahaan si si aan gabasho lahayn uga dhiidhiyayaan Hagaar daamo kasta oo dhinaca Xukuumadda ka shacbiga kaga yimaada, isla markaana aanay cidna uga hamranayn difaacista Bulshada “Dalkan waxaanu ku xoraynay Xabad, waxba annagu ka waydiin mayno Inanka yare e Xirsi la yidhaahdo iyo Cabdilaahi Cukuse oo inuu u dhashay iyo inuu ka dhashay toona aan la kala garayn, waxaanan ku difaacaynaa Xabad”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynihii dalka loo doortay wuu yaalaa, waxaana taladii kala wareegay Inamo yar-yar oo dalkan waxay ka garanayaan iyo maamul toona aqoon u lahayn, markaa ka yeeli mayno in maalinba xeer yar oo Lacag la lunsado lagu doonayo la  soo rogo”.




Dhinaca kale Cabdirashiid Riyo-raac oo u hadlay Xisbiga Waddani, ayaa xaaraan ku tilmaamay sharciyadda Xeerka waddooyinka iyo lacagaha kale ee madaaradda lagu qaado, taasoo sanadkan horantiisii Wasaaradda Duulista Hawaddu soo rogtay $10 amaanka madaarada loogu talo-galay, isla markaana golaha wakiiladdu u ansixiyay “Lacagta madaaradda lagu qaado ee nidaamka khaldan loo qaado iyo tan Xeerka maanta la ansixiyay lagu sharciyaysanayaaba annagu waxaanu u aragnaa kuwo sharci daro ah oo shacbiga lagu dhiig-miiranayo, wax la aqbali karona maaha”.




Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa shalay dalbaday Mudaharaad ay wada si jir u qabanayaan oo ka dhan ah Xeerka Takaaliifta horumarinta waddooyinka oo Xukuumaddu todobaadyo ka hor u soo gudbisay Golaha wakiiladda.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Iskaashatooyinka Gaadiidleyda Somaliland oo iyaguna si weyn uga soo horjeeday ansixinta Xeerkaasi, isla markaana ku hawlanaa dhaqdhaqaaqyo ay kaga gil-gilanaayan, balse hadal heynta Ansixinta Xeerka iyo dooddii adkeyd ee golaha wakiilladu ka yeeshay ayaa si weyn Bulshada dhexdeeda looga dareemayaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com