Monday, September 30, 2013

Wasiir Cabdijibaar: Madasha Wada-tashigu waa Raad Abeeso”.


Burco (GNA)- Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ee dawladdii Cigaal, haatanna ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Burco kuliyadeeda Caafimaadka, Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid, ayaa dhaliil u soo jeediyay isbahaysiga madasha wada tashiga iyo toosinta, ee dhawaan lagaga dhawaaqay dalka.




Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid waxa uu Madasha wadatashiga ku eedeeyay in ay ka soo hor jeedaa horumarka iyo taaabo galka qarannimada Somaliland, waxaanu ku tilmaamay ragga ku bahoobay isbahaysigani in ay yihiin kuwo hagardaamo iyo dibindaabyo la daba socday qarankani intii uu jiray Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid waxa kale oo uu sheegay in xubnaha hormuudka u ah madasha wadatashigu ay yihiin rag ku saaqiday saaxadda siyaasadda Somaliland oo ma gudbayaal ah, kuna guuldaraystay in ay kasbadaan kalsoonida iyo codka shacbiga Somaliland.




Dr. Cabdijibaar waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeenay khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Burco, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Marka aan qiimeeyo xaqiiqada marxaladaha kala duwan ee dalkeena Somaliland uu soo maray, waxaanay kala ahaayeen wakhtigii xorriyada oo dalku burburay, dadku dagaalo soo maray , wakhtigaas oo uu madaxweyne ahaa ALLE ha u naxariistee marxuum Cadbiraxmaan Axmed Cali.




Marxalad hub ka dhigis ah, dib u dejin iyo dhisid nidaamka dawladnimo, sida dastuurka iyo ururro siyaasi ah oo u tartama doorashooyinka, wakhtigaas oo ahaa xiligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa ALLA ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Hirgelinta doorashooyinka oo ku timi bisaylka iyo baahida dadka iyo dalka, sida gooni isu taaga qarranka Somaliland, waa wakhtigii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin. Marxaladdii waxqabadka, dib u dhiska iyo horumaru waa wakhtigan uu daslka hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




Haddaba, waa maxay madashu, waa raad Abeeso, intaas oo marxaladood oo dalka iyo dadkuba soo maray, rag madasha ka mid ahi lugaha ayay jiidayeen qarannimada Somaliland.”




 




Gobanimonews Hargeysa
 




 Office Email: editor@gobanimonews.com