Thursday, September 26, 2013

Shilal Gaadhi oo ka kala dhacay Hargeysa iyo Dacar-budhuq dhexdooda iyo Buurta Sheikh + Khasaaraha ka dhashay


Hargeysa(GNA)-Shilal gaadhi oo gaar gaar ah, ayaa Maanta ka dhacay Waddada Isku xidha Hargeysa iyo Berbera iyo Sheikh iyo Berbera.




Saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shil-gaadhi oo ka dhacay Buurta Sheikh ee Gobolka Saaxil, ka dib markii gaadhi ay la socdeen uu kala dhacay mid ka mid ah Buundooyinka Dawga Sheikh, sida ay dad Goob-joogeyaal ahi Gobanimonews u xaqiijiyeen.




Dhaawacyada soo gaadhay saddex ruux ayaa la sheegay inay yihiin kuwo fudud, waxaana la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka  Guud ee Berbera , sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera, waxaana soo gaadhay dhaawacyo fudud “shilkaa saddex qof ayaa dhaawacyo fududi ka soo gaadheen, waanay ladanyihiin”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Hawl-wadeenadda Cisbitaalka Berbera oo khadka Telefoonka kula hadlay Gobanimonews.




Dhinaca kale Shil gaadhi oo khasaarihiisa aan wali la xaqiijin, balse waxyeelo badan sababay ayaa ka dhacay dhacay meel u dhaxaysa Haleeya iyo Degmada Dacar budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex oo laamiga ah.




Faahfaahin dhamaystiran lagama hayo Baaxadda shilkaasi iyo Khasaaraha ka dhashay toona, balse warar hordhac ah oo aanu helnay ayaa sheegaya  inay isku dhaceen laba gaadhi oo mid ka mid ahi Xoolo Nool siday ka kalena Gaadiidka raaxada ahaa, gaar ahaan Landcruiser.




Warar kale oo k soo baxaya shilkan gaadhi ayaa tibaaxaya inay isku dhaceen dhawr gaadhi oo Laamida ku kulmay,halka warar kalena ay sheegayaan in Gaadhiga weyn ee Xoolaha siday jiidhay Baabuur kale oo waddada maraysay.




“Gaadhi weyn oo Xoolo nool siday, kana baxay dhanka Hargeysa ayay isku dhaceen gaadhi Bas ah oo dhinaca Berbera ka yihin , baskii markuu wadada ka saaray gaadhigii weynaa , ayuu hadana gaadhi land cruiser ah oo daba socday  ay isku dhaceen, kii markay isku dhaceen , hadana gaadhi kale oo  shidaal siday oo dhinaca Berbera ka yimi ayay isku dhaceen, markaa wuxuu ahaa shil noocaas ah oo cajiib ah, waxaaanan ilaa hada lay sheegay inuu hal qof ku dhintay oo Nin”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amaanka ee Bariga Hargeysa.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa shilkaasi sidaa ayuu u dhacaybaa warku igu soo gaadhay, waxaanad kala xidhiidhi kartaa Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo kolay gacanta ku haya shilkaasi iyo sida uu u dhacay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Nabad-gelyadda Waddooyinka oo la xidhiidha shilalka Baabuur oo dhacay goor aan sidaasi u kala fogeyn oo gelinkii dambe ee Maanta ah.




Warkan oo faahfaahsan kala soco Gobanimonews