Wednesday, September 25, 2013

Wasiiradda arimaha dibadda ee dalka Kenya Amina Maxamed Jibriil ayaa sheegtay dablayda weerartay westgate ay haysteen dhaladda maraykanka iyo tan ingiriiska + video


 25.09.2013 (GNA) -Nairobi wararka laga helaayo wasaaradda arimaha dibadda ee wadana Kenya, yaa shaaciyey in dableyda falalkan geystay ay haysteen dhalashada wadanka maraykanka kana soo jeedeen asl ahaan Somali iyo Carab.




Wasiiradda arimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed Jibriil yaa shaacisay mar ay warbahinta u waramaysay, in dablaydan weerarka ku qaaday xaruntii ganacsiga ee westgate ay ka soo kal jeedeen wadamada maraykanka iyo ingiriiska, ayna ku noolaayee gobalka Minnesota muddo ilaa 20 sanadood ah.




Taaso ay ku sheegtay in sadex ka mid ah ay haysteen dhalashada maraykanka asla ahaana kasoo kal jeedeen Somali iyo Carab. Waxaa kaloo ay sheegtay in ay dablaydan ay ku jirtay haweenay u dhalatay wadankan ingriiska, haweenaydan oo falal badan oo noocan oo kale ah hore uga soo fulisay meelo kale oo dunida ah.




Waxay kaloo ka dhawaajisay in ay wada shaqayn buuxda ka dalbanayaa wadamadda Maraykanka iyo Ingiriiska si ay uga guulaystaan argagixisa falalka noocan oo kale ah ka gaysta meelo badan oo dunida ah.




Xagan ka daawo:




Wararkii u dambeeyey iyo khudbadii madaxweynaha Uhuru Kenyatta ee uu kaga ahdlaayey dableyda!




http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=Tzd6tPWec4E




 




 




Gobanimenews (GNA)




 




.