Sunday, September 29, 2013

SL: Xukuumadda oo Bilowday qaadista Cashuurta dheeraadka ah ee Xoola Nool oo sanadka 4 Milyan oo Neef ka Dhoofayaan Dekedda Berbera


Berbera(GNA)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cabdi, ayaa sheegay inay Dekedda Magaalada Berbera sanadkan ka dhoofayaan xoolihii ugu tirada badanaa oo gaadhay ilaa 4 Milyan (4000,000) oo Neef oo isugu jira noocdayada xoolaha nool ee dibadda loo dhoofiyo.




Nooca ugu badan ee Xoolahan ayaa ah Adhi, maadaama lagu jiro wakhtigii Moosinka Xajka ee Suuqyada Sucuudiga Xoolaha loo dhoofin jiray, isla markaana Ganacsatada adhiga dhoofisaa aad uga faa’idaystaan.




Dekedda Berbera ayaa mashquul badan ku jirta Maalmahan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladu, waxaana laga raray xoolo aad u tiro badan oo loo dhoofinayo waddanka Sucuudiga oo ah laf-dhabarta Sayladaha Carabta ee Xoolaha Somaliland.




Wasiir Cabdi Aw-daahir Cali, ayaa Ganacsatada xoolaha dhoofinaysa ugu baaqay inay  ka qayb-qaataan horumarinta Waddooyinka dalka oo dhawaan Xeer Takiilfeed laga soo saaray Xoolaha nool loogu daray Cashuurro ka baxsan tii hore looga qaadi jiray “Ganacsatada waxaan leeyahay ka qayb-qaata horumarinta waddankiina oo iska bixiya Kharashka yar ee xoolaha la saaray”ayuu yidhi Wasiirku.




Maalintii shalay ayay ahayd markii xubno ka mid ah Ganacsatada xoolaha dhoofisaa Magaalada Burco oo ay ku taalo Saylada ugu weyn ee Geeska afrika ay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen ku sheegeen inaanay bixin Karin Cashuurtaasi  dheeraadka ah ee lagu soo rogay.




Laakiinse cabashadooda ayaa ku soo beegantay xili xukuumaddu dhaqan-gelisay Xeerka Takaaliifta waddooyinka, isla markaana Dekedda ka bilowday qaadista Cashuurtaasi oo Neefka Adhiga ah laga qaadayo $0.50 Dollar, Geelana $2 Dollar, Lo’dana $1.5 Dollar, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Laamaha Cashuurta ee Dekeddaasi.




Lacagaha lagu soo rogay Xoolaha dhoofaya  ayaa la sheegay inay Wasaaradda Maaliyaddu qabanayso, taasoo ku shubaysa Dakhliga ka soo xeroodda  Buug-xisaabaad gaar ah (Acounts),oo ay Wasaaradda madaxtooyadu leedahay “haa Lacagtaa waa la bilaabay, waxaana qaadaysa Maaliyadda oo ku shubaysa accounts gaar ah oo loo sameeyay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Dekedda Berbera.




Si kastaba ha ahaatee, bilowga qaadista lacagtan ayaa meesha ka saaraysa jiritaanka rejo laga qabo inay xukuumaddu dheg u jalaq siiso cid kasta oo ka soo horjeeda, lacagaha lagu jideeyay Xeerkaasi .




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com