Monday, September 30, 2013

Fernando Torres Oo Laga Yaabo Inuu Mutaysto Ganaax Afar Kulan Ah.


Fernando Torres ayaa laga yaabaa inuu wajaho ganaax afar kulan ah ka dib




markii uu wajiga ka xagxagtay Jan Vertonghan taasoo noqon doonta mid ka




sii cadheysiisa tababaraha Chelsea Jose Mourinho.




 




Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya inay ogaadeen in garsoore Mike Dean




uu jaalaha(huruud) koowaad ku siiyay Torres qalad caadi ah uu ku galay daafaca




Spurs Vertonghen, oo aysan aheyn jawaabtii uu bixiyay ee aheyd inuu




gacanta wajiga ka geliyay islamarkaana xagtay.




 




Caawiyayaasha Dean iyagana ma aysan arkin dhacdadaas, waxaana garsooraha




uu dhacdadaas ku dari doonaa warbixintiisa uu ka gudbinayo ciyaarta




maanta isagoo u gudbinaya waaxda FA-ga ee qaabilshan Edaabta.




 




 




Waxaana si degdeg ah markaas uga fariisan doona seddex garsoore hore oo




qiimeyn doona haddii xagashada uu sameeyay Torres ay tahay mid u qalanta




casaan toos ah.




 




Haddii ay sidaas go’aansadaan, Torres waxaa la ganaaxi doonaa seddex




kulan oo ay sii dheer tahay hal kulan oo casaankii uu xilli danbe




ciyaarta qaatay.




 




Weeraryahanka Chelsea ayaana markaasi ka dib seegi doona kulamada




Premier League ee Norwich, Cardiff iyo Manchester City iyo kulanka




Capital One Cup ee Arsenal, inkastoo uu u fasaxnaan doono inuu ka




ciyaaro tartamada Yurub.