Tuesday, September 24, 2013

SL:Dawladda iyo WFP oo isku-Khilaafay Heshiis wada shaqeyneed oo Xukuumaddu dalbatay iyo Dareeno isbiirsaday oo shaki kala geliyay


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ka dalbatay inay Heshiis wada shaqayneed oo cad la gasho, si loo mideeyo, isla markaana si sax ah loogu maamulo Mashaariicda  ay Hay’adaasi dalka ka fuliso.




Dalabkan oo sida ay Gobanimonews wararka ku heshay ka soo baxay Xafiiska Maamulka Mucaawimooyinka WFP u qaabilsan dawlada  Somaliland, ayaa la sheegay inay Hay’addu fulintiisa ka cago-jiidayso, isla markaana   Jawaab cad ka bixin wayday, taasoo sababtay  isfaham la’aan ka dhex abuurtay dawlada iyo Madaxda Hay’adaasi ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Madaxda Hay’ada WFP iyo Xafiiska isku duba-ridka mashaariicdeeda u qaabilsan dawlada oo la xidhiidha miisaanka Khilaafkooda iyo in wax xal ah laga gaadhay, balse sida laga soo xigtay Saraakiil labada dhinac ka tirsan, xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay Guddi Wasiirro ah u saartay soo af-jarida murankaasi oo ay Hay’adan Qaramada Midoobay ka tirsani abuurtay, ka markii dawladu ka codsatay in la saxo Khaladaadka Mashaariicda ay waddanka ka fuliso.




Guddidan Wasiirrada ah ayaa la sheegay inuu madax u yahay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasoo sida la sheegay xidhiidh toos la sameeyay wakiilka Hay’ada WFP, isla markaana xukuumad ahaan Madaxa guud ee WFP ee somaliya kala doodday waxyaabaha ay dawladu ka doonayso Hay’adda iyo aragtida ay ka qabaan soo jeedinta Xafiiska FAC ee Somaliland, halka markii ay arimahaasi ka wada hadli jireen Madaxweynaha dalka.




Soo jeedinta Xafiiska dawlada ee ah inay heshiis qeexan wada galaan Hay’adaasi iyo xukuumaddu, ayaa sida ay xaqiijinayaan xogo aanu helnay, ka dambeeyay Saluug maamulka Xafiiska  Mashaariicda WFP ka muujiyay  habka ay u fuliso Mashaariicda kala duwan ee ay bixiso, kuwaasoo mugdi badan iyo qorshe la’aani ka muuqato.




Hay’adda WFP ayaa Somaliland ka fulisa Mashaariic dhanka quudinta ah, kuwaaso u badan Raashin gar-gaar ah oo ay siiso Dugsiyada guur-guur iyo dadka ku hawlan Mashaariicda  iskaa wax u qabsada ah ee ay bulshadu ku horumariso adeegyada Aasaasiga ah, sida Ceelasha Biyaha laga Cabo iyo banaynta Waddooyinka oo ay fuliyaan Ururo bulsheedyo is-abaabulay.




Dhinaca kale, Hay’addu waxay Taakulo quudin ah ka geysataa xarumaha Caafimaadka ee dalka, waxaana mashaariicdaasi ku baxda lacag aad u fara badan oo ay Qaramada Midoobay ku maal-geliso horumarinta nolosha iyo adeegyada Bulshada.




Khilaafka ka dhexeeya dawlada Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xili ay Hay’addani si weyn awoodda u saartay fulinta mashaariicda ay ka waddo koonfurta somaliya, taasoo dhalisay hadal hayn la xidhiidha inay mashaariicdii Somaliland qayb ka mid ah dhinaca Somaliya u wareejisay.




Waxaana la sheegay inay xarumo waaweyn ka sameysanayso Magaalooyinka Boosaaso, Kismaayo iyo Muqdisho oo ay doonayso inay u wareejiso qayb ka mid ah Xafiisyadeeda Somaliland, taasoo saameyn dhanka horumarinta hawlihii ay gacanta ku haysay ah ku yeelanaya Gobollada Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com