Thursday, September 26, 2013

SL: Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Baadhitaan Musuqmaasuq ka bilaabay qaar ka mid ah Xafiisyada Dawladda


Hargeysa(GNA)-Hanti-dhowraha Guud Somaliland ayaa hawl-gal Baadhis ah  ka bilaabay qaar ka mid ah Hay’adaha madaxbanaan ee  Xukuumiga ah iyo Wasaaraddaha, kuwaasoo laga hubinayo in  Mususqmaasuq iyo wax isdaba marin dhanka  xisaabaadka ah ka jiraan.




Xafiiska Dawlada u qaabilsan Maamulka Mucaawimooyinka WFP, ayaa ka mid ah Xafiisyada Hantidhawrka Guud todobaadkan ka bilaaay baadhitaanka, taasoo la sheegay in Saraakiil ka tirsan Xafiiska Hanti-dhawrku maalmahanba ku jireen, isla markaana su’aalo waydiinayeen xubno ka mid ah Maamulkii hore ee Hay’adaasi iyo Masuuliyiinta iminka madaxda ka ah, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xogogaal ahi.




Baadhitaankan Xafiiska  Hantidhowruhu ka waddo FAC, ayaa la sheegay inuu Dalbaday Sarkaalka ugu sareeya xafiiskaasi,si ay dawladu isaga baraxdo in Maamul xumo iyo wax musuqmaasuq ahi ku jiro habka uu u shaqeeyo Xafiiskaasi oo  khilaaf soo kala dhex galay  Hay’adda WFP ee uu qaabilsanaa qorsheynta iyo hagida  Mashaariicda ay waddanka ka fuliso.




Khilaafkan oo saraakiisha dawladu sheegeen inuu ka dhashay Heshiis xukuumaddu ka dalbatay Hay’adda oo ay ka cago-jiiday, ayaa gaadhay in Madaxweynuhu Guddi wasiirro ah u saaro  xalintiisa, Guddidaasoo kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Qorsheynta Qaranka, Dib u dejinta, Caafimaadka iyo Beeraha.




Hanti-dhawrayaasha Baadhista wada, ayaa la sheegay inay Maanta oo Arbaca ah la kulmeen labadii Masuul xafiiskaasi isaga dambeeyay ee ka horeeyay Sarkaalka iminka haysta, kuwaasoo wax laga waydiiyay  Mashaariicdii ay bixiyeen xiligii ay madax ahaayeen iyo qaabka ay u wada shaqeyn jireen WFP.




Waxa la sheegay in baadhistan natiijadeeda Dawladu kula gar-naqsato Hay’ada WFP oo markii ay u hogaansami wayday awaamiirta iyo codsiyada wada shaqeyneed ee dawladu dalbatay, dhawaan sida la sheegay Maareeyaha FAC Yuusuf Cismaan Garas la joojiyay Mashaariicda aan xafiiskiisa la soo marin ee ay ururadda Maxaliga ah siiso.




Dhinaca kale Hantidhowraha Guud wuxuu ilaa bishii hore baadhis ka waday qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda caafimaadka, kuwaasoo uu ku jiro Xafiiska Gobolka ee Wasaaraddaasi.




Hase ahaatee ilaa hada wax natiijo ah lagama soo saarin baadhitaanka Wasaaradda Caafimaadka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com