Thursday, September 26, 2013

WAR DEGDEG AH:- Diyaarad Daallo Airlines oo Baalkeedu Uu Taabtay Terminalka Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa


Ma Jiro Wax Khasaare ahi, wasaaradda Duulistuna kama ay hadal ilaa iminka*




Hargeysa (GNA) - Diyaaradda Daallo ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka
jiidhay Terminalka Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii mid
ka mid ah baalasha Diyaaradu uu gaadhay Terminalka.




Ma jiro Wax Khasaare ah oo ay soo gaadhsiisay Terminalka, balse sida wararku sheegayaan in  Trafikadii hagayay
diyaaradu uu si khaldan ugu soo dhaweeyay Terminalka, markii ay
diyaaradu istaagtayna ay baalkii xigay dhinaca Dhismuhu uu gaadhay
Terminalka.





Dhinaca kale warar ayaa iyaguna shegaya in
Madaarku uusan lahayn calamadaha dhulka kuqoran amaba runway-gu uusan
ahayn mid qaadi kara Diyaradaha noocan oo kale ah.
 
Wasaaradda Duulista iyo hawada ayaan wax war ah ka soo saarin khasaaraha
soo gaadhay diyaaradda iyo dhismaha midnaba.