Thursday, September 26, 2013

Boorama: Reer Awdal oo Dareenno Qadhaadh Iyo Macaan Iskugu Jira ka Bixiyay Xeerka Takaaliifta Wadooyinka ee Madaxtooyadu dhaqan-gelisay


Boorama-(GNA) Qaar ka mid ah dadwaynah reer Boorama ayaa dareeno kala duduwan ka bixiyay ansixintii  ay golaha wakiilada Somaliland ansixiyay xeerkii takaaliifta hormarinta wadooyinka Somaliland oo ay xukuumadu hindisihiisa lahayd isla markaana golaha ay mudo ku qaadatay ansixintiisa iyo ka doodidiisu.




Muwaadin magaciisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Maandeeq oo dareenkiisa dhiibanayay ayaa waxa uu yidhi “Xeerkani waa mid wanaagsan oo ay ka soo baxayso inay dadku cashuurta gaadiidka bixiyaan isla markaana lagu dhiso wadooyin badan oo dalka ah oo u baahan dib u dhis iyo dayactir, tanina waa mida kaliya ee suura galinaysa inay xukuumadu hesho elo dakhli oo arimahan lagu fuliyo”




Haweenay uu magaceedu yahay Xaliimo Aadan Axmed oo iyaduna arinta dhinaca kale ka joogsatay waxana ay tidhi xeerkan waa mid uu wato wasiir Xirsi, waxana aan u aqaanaa anigu XEER XIRSI,waa mid aanan ujeedadiisu cadayn, waa mid dhabar jab ku ah dadka baabuurta wata, waana mid ay xukuumadu marmarsiiyo ugu samaysanayso inay dakhli ay ku gasho ololaha doorashada ee soo socda sidii ay dadka uga urursan lahayd”




Muwaadin kale oo magaciisa ka gaabsaday ayaa isaguana taageeray fikirkan hore waxana uu yidhi “Kulmiye waxa muuqata in xilkii uu ka dhamaanayo oo aanu soo laabanaynin, sidaasi aawadeed waa inay faraqa ku sii shubtaan hanti badan, sida kaliya ee ay ku heli karaana waa inay dadka dhiiga ka jaqaan oo ay tuunbooyin ku mutaan iyaga oo gole ku sheega baarlamaankuna u ansixiyay in umada dhiiga laga miirto”




Oday Xuseen Miigane oo ka isaguna cabiray dareenkiisa ayaa waxa uu yidhi “Waa talaabo hormar ah oo muujinaysa in muwaadinka Somaliland iyo xukuumadu ay ka wada masuul yihiin hormarinta dalka, waa in dadku ay bixiyaan cashuurta oo waliba wadooyinka ay cashuurtooda bixiyaan dadka inta ugu badan ka faaiidaysa ee ah kuwa wadooyinka mara, cid kale ma taabanayo xeerkani”




Hadii aan nahay reer Awdal waxa muuqata inta Kulmiye talada hayo inaan hormar ka samaynay dhinaca wadooyinka, waa markii ugu horaysay ee wadooyin aan helno ee la dhamaystiro jidka isku xidha Hargaysa iyo Boorama, xeerkani waa mid noo faaiido ah, waxana uu faaiido u yaha dhamaan degaanada ay ka socoto hawada ah in wadooyinka la hor mariyo,
waxana aan leeyahay xukuumadu way ku saxan tahay xeerkan” Ayuu yidhi Maxamed Aadan Ibraahim oo dareenkiisa cabirayay




Ma ahayn intan oo kaliya balse waxa ay dad badan oo reer Boorama ah oo maanta arintan ka dhiibanayay aragtidooda ay qaarkood dureen, qaar kalena dalacsiiyeen golaha wakiilada Somaliland.




Muwaadin kale oo dareenkiisa u cabiray si kooban ayaa arinta meel dhexe ka istaagay waxana uu yidhi “XEER waa XEER, waana la ansixiyay maanta oo waxa waajib ah in loo hogaansamo oo lagu dhaqmo, tan ka soo horjeedkeedana waxa loo baahan yahay in xukuumadu ay la timaado hanaan xisaabeed oo cad oo dadku ay ku qancaan meeshana ka saarta tuhunka jira.




“Waa gole aanan lahayn shaqo cad oo muuqata oo ay qabteen, waa gole ku can baxay GUUL WADAYN iyo inay xukuumada sacabka u tumaan, bal eega waxa ay anixiyeen, waa xeer si toos ah iyo si dadbanba u taabanaya nolosha dadka reer Somaliland, waxa ay ahayd inay xukuumada la xisbaabtamaan, bale waxa ay ku baleen inay xodxotaan oo ay ka gurtaan shilimo yaryar oo loo lulo sida dheemaalka, waxana ugu sii daran oo wax ma tarayaal lagu qasaaray ah xildhibaanada laga soo doortay Awdal” Waxa sidan ku soo koobay dareenkiisa Guuleed Nuur Miigane.




Tani mid ka soo horjeeda ayuu qabaa Idiris Cumar Sheekh waxana uu yidhi “Baarlamaanka waxa loo soo doortay inay talaabo walba oo waxqabadka taageeraysa ay badhi taageeraan, waxana aan ku kalsoonahay in talaabadan ay ku ansixiyeen xeerkani ay tahay mid saxan oo ka tarjumaysa muwaadin-nimadooda, waxay qaadeen tubtii aan qaadi lahaa aniguba hadii aan fadhin lahaa golaha dhexdiisa maanta, waanan hambalyaynayaa golaha.




Si kastaba ha ahaatee xeerkan takaaliifta hormarinta wadooyinka Somaliland ayaa madaxwaynuhu ansixiyay waxana xukuumada u yaala sidii loo fulin lahaa iyada oo ay dad badani dhawrayaan waxa lagu qaban doono lacagta ka soo xereen doonta cida ay khusayso ee xeerkani taabanayo oo wax badan ka tartay hormarinta dhinaca wadooyinka ee
Somaliland.”




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office