Thursday, September 26, 2013

Cusbitaalka Guud Ee Boorama Oo Magacii Hore Laga Badalay Looguna Magac Daray A.F.Abraar Regional Hospital. +SAWIRO












Borama(GNA) In boodhka laga jafo oo dib loo soo xuso magacii hore loo odhan jiray Cisbitaalka Boorama ee ahaa Cisbitaalka Gobolka Awdal ee Dr. Aadan Faarax Abraar waxa ay ahayd talaabo xus iyo xusuus u ah taariikhda, waxana madasha magacan lagu taalo galinayay ay kulmisay bahda caafimaadka ee gobolka iyo degmada, maamulka dawlada hoose ee Boorama, xildhibaano, oday dhaqameedyo iyo waxgarad fara badan




Agaasimaha Cisbitaalka Dr. Aadan Faarax Abraar ee Gobolka Awdal Dr. Ismaaciil X. Muxumed Aye oo halkaasi ka hadlay




ayaa xusay ahmiyada ay leedahay magacan cisbitaalka ee dib loo cusboonaysiiyay waxana uu yidhi ?Magacani ma aha mid cusub ee magacii hore loo odhan jiray cisbitaalka oo dib loo soo cusboonaysiiyay, waxana aan maanta anaga oo tixraacayna warqadii ogolaashaha ahayd ee ay wasaarada Caafimaadka ee Somaliland ku ogolaatay in magaca cisbitaalka dib loo cusboonaysiiyo, waxa aan maanta laga bilaabo cisbitaalkii Boorama magaciisii ku badalnay magaca ah Cisbitaalka Dr. Aadan Faarax Abraar ee Gobolka Awdal?




Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ?Magacan Dr. Abraar waa magic qadiim ah oo aan aniga oo Boorama imid 1989kii aan ugu imid magacaas oo ku qoran darbi ka mid ah wajiga hore ee cisbitaalka, waa magic aan dib boodhka uga jafnay oo aan qabo inay sababeen dib u dhaca ku yimid Qoyska Dr. Abraar, Bahda caafimaadka iyo Xukuumada, waxana aan leeyahay qoyskan reer Abraar waxa idin fuulay waajib ah inaad si guud iyo si gaar ahba uga shaqaysaan sidii cisbitaalka baahidiisa loo daryeeli lahaa idinka oo waajibkiina gudanaya?




Maayar ku xigeenka Boorama Md. Maxamed Faarax Dheerayste oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa yidhi ?Waxa noo sharaf ah in magacii hore ee cisbitaalka dib loo soo cusboonaysiiyo, sidoo kalena waxa aan balan qaadaynaa ka maamul ahaan inaan magacan hir galino, anaga oo ku faraxsan in odayaasha iyo maamulka cisbitaalkuba ay isku raaceen inay magacan ah Cisbitaalka Dr. Aadan Faarax Abraar ee Gobolka Awdal hir galiyaan.




Sul. Saleebaan Cali, Caaqil Daahir Cismaan, Dr. Axmed Aadan Camash Buuxane iyo Yaasiin Qalinle oo ah madaxa BOD-ga cisbitaalka ayaa iyaguna halkaasi ka hadalay waxana ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in magacii hore ee isbitaalka boodhka laga jafo iyaga oo ka sheekeeyay shaqsiyadii Dr. Aadan Faarax Abraar oo ay xuseen inuu yahay aabaha caafimaadka gobolka Awdal, talaabadana waxa ay ku tilmaameen mid taariikhda badhi taageeraysa.




Cismaan Aadan Faarax Abraar oo ku hadalayay magaca qoyska aabahood loogu magic daray cisbitaalkan ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay talaabadani waxana uu tani badalkeeda ka dalbaday xukuumada iyo dadka reer Awdal inaanay qoyka oo kaliya ku eegin inay daboolaan baahiyaha faraha badan ee cisbitaalka loona baahan yahay inay wax ka qabtaan.




Madashan ayaa waxa shahaadooyin lagu gudoomsiiyay Md. Axmed Salaan Wabar, Dr. Saalax iyo Marwo Foosiya oo la xusay inay mudadii ay ka shaqaynayeen Cisbitaalka Dr. Aadan Faarax Abraar ee Gobolka Awdal ay muujiyeen hawlkarnimo iyo daacadnimo dhinaca shaqada ah.




Madashan markii ay dhamaatay ayaa waxa ay madaxdani xadhiga ka jareen qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay qaybta dhimirka iyo gargaarka degdega ah ee Cisbitaalka Dr. Aadan Faarax Abraar ee Gobolka Awdal, waxana ay soo bandhigeen xoolo iyo raashin ay qoyka reer Dr. Aadan Faarax Abraar u hibeeyeen bukaanka ka hawl gala cisbitaalka.








Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office